Dowladda Itobia
oo beenisay in ey ciidamadeedu wadaado laayeen
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 26-April-08 Bayaan kasoo baxay xafiiska ra`iisal wasaaraha Itobia Ato Meles Zanawi ayaa waxaa gabi ahaanba lagu diiday in ciidamada Itobia ee ku sugan magaalada Muqdisho ey wax xasuuq ah u geysteen culumada Tabliiqa ee dhawaan meydadkooda laga helay masjidka Al-Hidaaya ee xaafadda Waxar-Cade.
Bayaankan ayaa waxaa lagu sharaxay qaabkii uu u dhacay dagaalkii cuslaa ee labada cisho ka socday degmada Huriwaa kaasoo u dhexeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Itobia iyo kooxaha kasoo horjeeda oo ey dowladda Itobia ku sheegtay in ey ahaayeen kooxda Al-Shabaab.
Masuul ka tirsan xafiiska ra`iisal wasaaraha Itobia ayaa saxaafadda u sharaxay bayaankan, waxa uuna sheegay in dowladda Itobia iyo ciidamadeedu iska fogeynayaan eedeymaha kaga imaanaya hey`adaha xuquuqul insaanka sida Amnesty International kuwaasoo ku aadan dagaaladii dhawaan dhacay iyo culumada la laayay.
Dowladda Itobia ayaa dhankeeda ku eedeysay in falkan lagu laayay wadaadada ey ka danbeeyeen kooxda Al-Shabaab oo ey sheegeen in markii ey jabiyeen ku cararay masaajidka Al-Hidaaya dabadeena wadaadadu ka furi waayeen albaabka sidaas daraadeedna ey xoog ku galeen dabadeedna dileen culumada.
Dhanka kale kooxaha kasoo horjeeda ayaa iyana ku eedeeyay ciidamada Itobia in ey ka danbeeyeen dilka culumada, waxeyna dilka culumadani ku tilmaameen mid ey kaga aargudanayeen dadka rayidka ah iyo culumada.
Si kastaba ha ahaatee eedeymaha labadan dhinac ey isku eedeynayaan dilalka loo geystay culumadan ayaa waxa ey kusoo beegmayaan xilli beesha caalamka iyo hey`adaha xuquuqda u dooda ey dhamaan canbaareeyeen falkaasi foosha xun ee lagula kacay wadaadada tabliiqa.
Bayaankan kasoo baxay xafiiska Meles Zanawi ayaa lagu sheegay in tiradii ku dhimatay dagaaladaasi ey inta badan ahaayeen kooxihii iska soo horjeeday, iyadoo Itobianku sheegteen in ey jab weyn u geysteen kooxdii markaasi dagaalka la gashay ee ey ku sheegeen Al-Shabaab.