Mareykan oo Syria
ku eedeeyay in ey sameysatay Nuklear
Oslo, Norway (Calanka.com) 27-April-08
Dawlada Mareykanka ayaa dalka Syria ku eedeeysay inay si qarsoodi ah u dhisayaan qalab u sahlaya quwada loo isticmaalo Nukliyeerka.
Sirdoonka Mareykanka ayaa xog ku saabsan arintan u gudbiyay xubno ka tirsan Xildhibaanada Mareykanka,inkastoo aan weli la soo bandhigin sawiradii iyo hadaladii qarsoodiga ahaa ee laga soo duubay xarunta lagu rakibayo qalabkan Niyuuklarka.
Afhayeen u hadlay Wasaarada Arimaha dibada dalka Mareykanka ayaa wel-wel ka muujiyay arintan,wuxuuna cambaareyn u soo jeediyay Dawlada Waqooyiga-Kuuriya oo si qarsoodi ah u siiyay dalka Suuriya,qalabka lagu dhiso quwada loo isticmaalo Nukliyeerka oo dhalinaya maadada qatarta ah ee loo yaqaan (Plutiniyam).
Dawlada Suuriya ayaa noqoneysa wadankii oogu horeeyay ee Carbeed ee ku faana hubka wax gumaada ee Nukliyeerka,hadii ay dhabawdo hadalka ka soo yeeray Sirdoonka Mareykanka,inkastoo ay u badan-tahay in la buun-buuninayo jiritaanka warkan.isla-markaana la doonayo in qiil loo sameeyo sidii loo weerari lahaa dalka Suuriya.
Qaar ka tirsan Congresska Mareykanka ayaa durba shaki ka muujiyay,hadaladan ka soo yeeray sirdoonka Mareykanka,waxayna talo ku soo jeediyeen inaan marnaba la weerarin dalka Suuriya,hadii xitaa ay rumawdo inay dhisteen Nukliyeerka,waxayna ku baaqeen in marka hore wadahadal lala furo dalka Suuriya.
Xuseen Yaasiin Godo-Godo
TiiboTalyaani@live.com
Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)
Wararkii Hore
|
|
|
SUBACA Qur`anka (114) 
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
|