Muslimiinta Kenya
oo ku baaqay baaritaan laga Sameeyo tacdiyadaha Somaliya
Nairobi, Kenya (Calanka.com) 28-April-08 Dadka Muslimiinta ah ee ku nool wadanka Kenya ayaa ugu
baaqay Madaxweynaha Kenya Mio Kibaki in uu ku cadaadiyo Madaxda Migowga
Afrika siddii loo baadigoobi lahaa xal kama dambeysay ah oo lagu soo afjaro
Colaadaha dabo dheeraaday ee Soomaaliya.
Hogaamiyayaasha Muslimiinta Kenya ayaa ku eedeeyay Madaxda Midowga Afrika
iyo Qaramada Midoobay in ay ku guuldareysteen siddii ay u qaadilahaayeen
tilaabooyin lagu badbaadinayo dadka aan dambiyada galin ee ku dhimanaya
Soomaaliya.
Gudoomiyaha Ururka ay ku mideysdan yihiin Muslimiinta Kenya National Muslim
Leaders Farum C/laahi Abdi ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ah in ay
jirdileyn 40 Qof oo soomaali ah kuwaas oo ay soo qabqabteen.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxda Midowga Muslimiinta Kenya oo shir
jaraa'id ku qabtay Masjidka ugu weyn Kenya ee Jamia Mosque ayaa waxa lagu
eedeeyay Ciidamada Itoobiya oo ay ku sheegeen in ay ku tumteen Xaquuqda
dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed, iyagoo madaafiic la dhacay sida ay
culumada carabka ku dhufteen Masaajidyo.
"Bishii lasoo dhaafay Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa Masaajidyo galay, waxa ayna
ku dileen in ka badan 21 qof oo ay ku jiraan 8shiikh.taasi waa tilaabo ka
dhana h goobaha barakeysan ee lagu cibaadeysto," ayuu yire Shiekh Cabdi.
"Ciidamo sidoo kale waxa ay galeen Xarumo Caafimaad waxa ayna dileyn bukaano
ka hor inta aysan boobin daawooyinkii iyo Qalabkii kale ee Adeega
Caafimaadka.sidoo kale Goob wax barasho ayeey ka ka xeysteen 4o Arday ah."
Hogaamiyayaasha waxa ay warsaxaafadeedkooda ku codsadeen in si deg deg ah
uga baxaan Ciidamada Itoobiya gudaha Soomaaliya si loo heli wada hadal
dhexmara Dhinacyada is haya.
Waxa ay yiraahdeen in Soomaaliya la siiyo fursad ay isku maamusho, iyadoo
aysan jirin faragalin meel kale ka timid.
Culumada waxa ay ku baaqeen in la siidaayo dhamaan dadka Xabsiyada ku jira.
Muxyadiin Axmed Rooble Nairobi,Kenya
E-mail: saadaam_7@hotmail.com