Dowladda Britain
oo QM ka codsatay in Somalia loo diro ciidamo caalami
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 28-April-08 Dowlada Britain ayaa hor dhigtay Xubnaha golaha amaanka ee Q'Midoobay go'aan
ku saabsan in la xoojiyo ku lug yeelashada Arimaha Somalia iyo suurto
Galnimada In ciidamo Nabadillaalin ah oo ka socda Q/Midoobay la keeno dalka
Somalia.
Golaha amaanka ee Qaramada Midowbay ayaa todobaadyadan ka doodayay xaalada
Soomaaliya ,waxa ayna todobaadyadan wadeen dadaalo ay ku doonayeen in ay
Ciidamo caalami ah ku geeyaan Soomaaliya.
Warar hoose oo ka soo baxaya Xarunta Qaramada Midowbay ayaa sheegaya in
dawladda leh Quwada Waa weyn sida Washignton oo kale ay la wareegayaan
amaanka Soomaaliya ayna Qaramada Midowbay udhiibi doonto.
United Kingdom waxa ay sheegaysaa in ay dooneyso Soomaaliya oo nabad ka
dhalato ,waxa ayna ugu baaqday dawladda Faderaalka ee Soomaaliya & Ciidamada
kaalmeynaya in ay iska eegaan cida ay ku ridayaan rasaasta waa weyn ayna
joojiyaan adeegsiga Madaafiicda waa weyn.
Qoraalkan Qabyada ah ee Maamulka London hordhigey golaha amaanka ee Qaramada
Midowbay ayaa horey Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu uga codsaday golaha
amaanka in lugu taageero ciidamo caalami ah.
Dowlada KMG ayaa dhawaanahanba ka codsaneeysay QM in Ciidamo Nabad illaalin
ah u soo dirto Dalka Somalia si ay u badalaan Ciidamada Nabadilaalinta ee ka
socda Wadamada Africanka ee marka la soo gaabiyo Loo yaqaan AMISOM.Dowlada
Britain waxaa ay sidoo kale go'aankan ay soo saartay uu ku baaqayaa in cuno
qabateeyn la saaro dadka isku dayaya in ay xanibaan hanaanka nabada ee dalka
Somalia iyo kuwa xooga ugu hanjaba Ciidamada Nabadillaalinta ee ku sugan
Dalka Somalia.
Go'aankani ayaa waxaa uu weeydiisanayaa golaha Ammaanka in ay taageeraan
talada Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay Ban Ki Moon, ee la xiriirta in howlaha
ay saraakiisha Q/Midoobay ka wadaan Magaalada Nairobi loo raro magaalada
Muqdisho, si loo xoojiyo Joogitaanka iyo ka warqabka Saraakiisha Q/Midoobay
ee Arimaha Somalia.
Hadalkani ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili dhawaanahan ay madaxda Dowlada
Somalia ay ka codsanayeen QM in Ciidamo Caalami ah oo ka socda QM la keeno
Dalka Somalia si ay u bedelaan Kuwa AMISOM ee iminka ku sugan Dalka Somalia
gaar ahaan magaalada Muqdisho.