Oslo, Norway (Calanka.com) 28-April-08 Fanaanada caanka ah ee Soomaaliyeed Maryan Mursal oo ey wehliyeen saksofanistaha weyn Muuse Maxamed, muusikiistaha da`dayar Cujeer oo ka wada yimid dalka Ingriiska iyo Kooxda (Samadoon Band) ayaa wacdaro ka dhigay xaflad lagu furayay Tiyaatar cusub (Opera)oo laga dhisay Magaalada Oslo ee caasimada dalka Norwey.
Dadweynihii daawanayey festivalka ayaa aad oogu diirsaday heesihii macaanaa ee fanaanada iyo muusikadii ay sida xaragada laheyd u tumayeen Kooxda Samadoon oo iyagu ka kooban fanaaniin aad khibrad u leh tumista qalabka kala duwan ee loo adeegsado Muusikada,waana Kooxda keliya ee Soomalida ah oo (live-music}ka garaaca Wadamada Iscandaneefiyaanka.
Marti-sharaftii munaasabada ayaa sacab iyo sawaxan isku-darayey kolba marka ay hees macaan iyo qoob-ka-cayaar ay soo bandhigto fanaanada (Maryan Mursal) waxaana markii uu waqtigeedii ka dhamaaday dadweynaha dalbadeen inay ku celiyaan amaba biisaan heesihii ay qaadaysay oo aad u soo jiitay dareenka iyo quluubta marti-sharaftii daawanaysay,balse Maryan Mursal ayaa ka cudur daaratay inaysan qaadi-karin heeso-cusub,maaadaama waqtigii loogu tala-galay uu dhamaaday,balse waxa ay balan-qaaday inay dib oogu soo laaban doonto dalka Norwey Bisha Agoosto oo ay ka qayb-geli-doonto bandhig faneed lagu casumay iyada iyo Kooxda Samadoon-Band.
Maryan Mursal ayaa noqotay fanaanadii oogu horeysay ee Soomaaliyeed ee lagu casumo inay xariga ka goyso tiyaatar caalami ah,waxayna sharaf iyo magac-weyn u soo jiiday dhamaan Umadda Soomaaliyeed.