Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ayaa xalay ku dilay magaalada Jowhar kooxo
hubeysan oo lagu eedeeyay falal burcadnimo ah.
Ciidamadaasi ayaa dilay ilaa 3 nin oo hubeysan kaddib markii ay rasaas isku
weydaarsadeen meel u dhow Airport-ka magaalada Jowhar.
Howl galka ciidamadaas ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay kaddib markii
kooxdaasi burcada ah ay wadada ku xabadeeyeen gaari rakaab ah oo ku soo
jeeday deegaanka Mahadaay, kaasoo shalay uu ku geeriyooday hal qof.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo Jowhar ayaa waxaa ay sheegayaan in
Mid ka mid ah Ciidamada Maxkamadaha ayaa dhaawac ka soo gaaray Howl galkaas,
iyadoona mid ka mid ah dadkii rakaabka ah ee gaariga la dhacay saarnaa uu ku
geeriyooday.
Sikastaba ha ahaatee Saraakiisha Maxkamadaha ee hogaamineysa Ciidamada soo
galay Magaalada Jowhar ayaa waxay sheegeen in sharciga islaamka ay la
tiigsanayaan Kooxaha Burcada, iyagoona dadka reer Jowhar ugu baaqay in ay
soo sheegaan dadka burcada ah.
Xaalada Magaalada jowhara ayaa waxaa ay tahay mid degan walow dadka
deegaanka ay walaac xoogani kamuujinayaan arintaani foosha xun.