Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Aabe qafaal ku haystay gabar uu dhalay 24-sanadood kana dhalay todobo caruur ah


Oslo, Norway (Calanka.com) 29-April-08

Dalka Austaria oo ku-yaal bartamaha Qaarada Yurub ayaa waxaa ka dhacay arin la-yaab iyo amakaag ku noqotay Shacabka Reer Austiria,kadib markii Booliiska dalkaas ay gacanta ku dhigeen Aabo naxariis daran oo dhagar-qaba ah,ayaa waxaa lagu helay dembi aad u fool-xun,kadib markii uu gabar uu dhalay uu muddo 24-sanno maxbuus oogu heysatay guri qarsoodi ah oo ku yaal dabaq-hoose,halkaasna uu si qasab iyo juu-juub ah ooga dhalay 7-caruur ah oo mid ka mid ah uu dhintay markuu dhashay.

Aabahan jariimada foosha-xun ku kacay oo lagu magacaabo Jozef Fritz ayaa sanadkii 1984-tii,waxa uu shaaciyay in gabahiisa Elizabeth la waayey meel ay jaan iyo cirib dhigtay,hase-yeeshee waxa ay gabadhiisa maxbuus ku aheyd guri ku-yaal dabaqa hoose oo aysan qoraxdu soo geli-jirin,waxayna halkaas ku xanaaneysan-jirtay caruurteeda,isagoo katiinad gacmaha ooga xiri-jiray,marka uu baxayo.

Aabahan naxarista daran ayaa dadka dariska la ah marnaba aysan ka shakin,isaga oo si wanaagsan oola dhaqmi jiray dariskiisa.

Arinta fajacisada ku abuurtay Shacabka Reer Austaria iyo Ciidamada Booliiska ayaa noqotay,sababta ay gabadhan Hooyadeed oo ku nooleyd dabaq iyada ka koreeya ay ku ogaan-weyday arintan foosha-xun ee lagula kacayey gabadheeda mudo 24-sanno ah.

Hooyada gabadhan dhashay ayaa Booliiska u sheegtay inaysan haba-yaraatee ka war-qabin arintan,maadaama qolalka qarsoodiga ah ee gabadhan ku maxbuusnayd uu diidi jiray ninkeeda inay gudaha u gasho,wuxuuna marka uu gudaha u galayo isticmaali jiray nambaro (Code}isaga keliya uu garanayo.

Booliiska ayaa shaaca ka-qaaday in Aabahan uu qirtay debigan foosho-xun,waxayna aritani kashifantay,kadib markii gabadha oogu weyn caruurta uu gabdhiisa kufsiga ooga dhalay oo 19-jir-ah uu ku dhacay cudur keenay in Isbitaal loola cararo,halkaasna lagu ogaaday markii dhiiga laga qaaday gabadhan,inay dhashay gabar la baadi goobayey mudo 24-sanno ah.

Booliiska ayaa shaaca ka qaaday in ninkan dembiile ah uu qirtay arimahan oo dhan,waxayna ku tilmaameen dhacdadan inay tahay kiiskii oogu foosha-xumaa ee soo mara taariikhda ciidamada dembi-baarista ee dalka Austaria.

Afhayeen u hadlay Booliiska ayaa arin fajaciso iyo amakaag ku tilmaamay sababta ay gabadhan ooga soo baxsan-weyday qolkii ay maxbuuska ku aheyd mudaddii 24-kii sanno aheyd,waxayna arin la yaab leh ku tilmaameen,in caruurta 6-da ah uu gacantiisa ooga dhaliyay Aabaheed,kii 7-aad oo dhintaya uu ku aasay meel-qarsoodi ah.

Xuseen Yaasiin Godo-Godo
TiiboTalyaani@live.com

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]