Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Burtinle oo laga soo sheegayo abaarooyin ba`an


Cape-Town, S/Afrika (Calanka.com) 29-April-08

Wararka Calanka ka soo gaaraya deegaanka Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in deegaanka ay ka jirto abaar xoogan oo Biyo la`aanta ugu horeyso.

Biyo la`aanta degmada Burtinle ka jirta ayaa goob joogayaal Calanka u sheegeen in si weyn dadka iyo duunyada u saameysay .

Ceelashii biyaha inta badan ma shaqeynayaan oo dhab ahaan ma jiraan ceell si rasmi ah loogu xisaabtamo , booyado ayaa biyaha loogu geeyaa dadka degan howdka qiimahana si weyn ayuu u sareeya taasina waa culeys jira?sidaa waxaa yiri Oday dhaqameed.

Goob joogayaasha waxa ay intaa ku darayaan in halkii booyad oo biyo ah iminka lagu iibinayo lacag gaareysa Shan milayn oo shilin Soomaali ah .

Meelaha qaarkod waxaa la soo wariyay in xoolaha ay baqtiyeen biyo la`aan iyo baad la`aan .

Gudiga abaaraha ee degmada ayaa sheegaya in hataan ay bilaabeen in qoysas badan gaar siiyaan biyo taasi oo looga gon leeyahay in baahida biyo lagu yareeyo.

Hay`adda Diya Koniya ayay gudiga sheegeen in ay ka heleen deeq biyo ah oo gaareysa 60 booyadood oo ay iminka bilaabeen in ay u qeybiyaan dadka ku dhaqan howdka .

Warku waxa uu intaa ku darayaa in gudiga abaaraha u istageen in ay ka shaqeysiiyaan ceelka labaad ee degmada oo ciladi ku jirtay kaasi oo lagu rajo weyn yahay in la kiciyo .

Hay`adaha gar gaarka iyo maamulka Puntland ayay ugu baaqeen in gacan bani`aadanimo la soo gaaraan dadka ku dhaqan degmada Burtinle ee gobolka Nugaal .

Cismaan Xasan Cali (Fantastic)
ossmanfantastic@hotmail.com

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]