Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
"Jaceyl waa kan oo kale"


Sanca, Yemen (Calanka.com) 29-April-08

Jacayl waa kan oo kale....!! (Qaybtii 6-aad) Muna Aqalkoodii bay gaartay, iyada oo luud-luudaysay, labisnaydna Hagoog(Garbasaar) iyo Kabo ay ka sii qaadatay Muumina.

Ku-dhowaad 9:00 subaxnimo ayay ahayd goortu, wuxuuna reerkoodu la yaabbanaa meesha ay ku kallahday oo ku maqnayd; waxayse markii taas la weydiiyay, si weji-xirnaan iyo caro leh uga jawaabtay oo tiri:- "Wax shaqo ah oo aad ku leedihiin lama arko halkii aan ku maqnaa, ee i guuriya, iina gelbiya Godkii aad ii qoddeen".

Markii ay fiidkii noqotayba, waxaa soo caga-dhigtay Mooge, oo si fiican u soo labistay , fuushanaana Gaarigiisii nooca "Fiat 124"ahaa.

Wuxuu yimid isaga oo ayan cidina wehelin, degdegaya, kuna soo tala-galay inuu dhaqsa u kaxaysto, xaraystana Aroosadda Ina-sheekh ah ee uu da'ahaan dhali karayay.

Aqalka Sh.Maygaag waxaa ku sii sugnaa oo kaliya tira kooban oo Haween ah,kuwaas oo isugu jiray qaraabada iyo deriska reerka, una yimid sii gelbinta "Muna". Wey mashxaradayeen,sacabba-tumayeen, kuna luuqaynayeen "Arooskeenna aamiin", "Ladnaan ku-waara" iyo murti kale oo ku salaysnayd hidde iyo dhaqan.

Gaarigoodii bay wada raaceen Mooge iyo Muna. Wejiga Aroosadda Muna ah waxaa ka muuqday: Ciil iyo Caro,waana ay faruuryo-qaniinsanaysay, halkii laga filayay Farxadda iyo Fahmada.

Waxay abbaareen xagga magaaladii uu degganaa Mooge, taas oo ka mid ah magaalooyinka aanan sidaas uga fogayn Muqdisha.

Wuxuu damcay Mooge inuu dhexda ugu sii sheekeeyo Aroosaddiisa, si uu jawiga u caadiyeeyo, weyse uga dhaaratay wax jawaab-celin ah; marka laga reebo mar kaliya oo ay si kulul ugu dhawaaqday:-

"Sidii Xoolihii ayaad i soo iibsataye, waxaad iga hesho ayaad leedahay,waadna ka shallaayi doontaa..Bahalyohow Weji-macbuuska ah oo ayan Aadaminimadaba waxba uga bilownayn"...!!.

Aqalkii Arooska ayay wada tageen,Moogana waxba kama uusan baddalin dabeecaddiisii qallafsanayd iyo cudud-adeegsigiisii u caadada ahaa. Maba uusan milicsan Murtida Soomaaliyeed ee ah:- "Naag waa u samir ama ka samir".

Muna,waxay mararka qaarkood dantu ku kallifaysay in ay lafaheeda kala baqdo Mooge; waxay ka yaabaysay inuu muruqyadiisa waaweyn ku majiijiyo kuweeda taagta daran -illayn ninkaan cabsan waa loo cabsadaaye.

Isu-galmoodkoodii Sariirta dusheed ahaa, ayaa isaga shaabbahay "Kufsi" iyo "Saqiir-suujis" asturan. Kaas oo ka marnaa muxibbo,is-marxabayn, muuno, muusood iyo macaansi oo dhan. Mooge wuxuu ka fursan kari waayay inuu qaab lagdan iyo gawaantis oo kale ah uga ilma-dhalo Muna.

Waxaa la is-weydiin karayaa:sidee ayay Muna ula dhaqmaysay Mooge dhowrkii Sano ee ay is-qabeen ?!!.

Dacar iyo Murdud ayay ka waraabisay. Waa uu ka waayay Weji-furnaan iyo farxad. Waa ay jirtay in ay caruur iska daba-dhalaysay, oo ay ku sugnayd xaaladda loo yaqaan"Mijin-gashay, Mijin-baxday" iyo Wallac is-daba-yaal sannadkii la arkaba; laakin docda kale Imtixaan cajiib ah ayaa Mooge ka qabsaday Muna.

Tusaale ahaan:- Markii uu dalbado in loo diyaariyo Qado Baasto ah, ayay u karin jirtay Bariis"Cali-Uraaye" ah oo aanan si fiican loo bislayn, lana gaar-oomaariyay ama Soor "Qamar-shiid" ah oo weli ceyriin ah.
Goortii uu naftiisa oo dhiig-kar la ildarnayd ama marti u imanaysa u codsado Hilib Ari iyo Maraq si fiican loo farsameeyay, ayay baddalkood u sii diyaarin jirtay Hilib caata ah oo Lo'-aad iyo Maraqiis oo lala beegsaday cantoobo Cusbo ah(Milix).

Muna "Xaax" ayay u keentay Mooge, oo "Ma' " ayay ka siisay, waana ay xakaarisay. Qaab macnawi ah ayay u jahawareerisay oo Maanka uga gadday. Nin baa laga soo weriyay: "Hashu Maankayga gaddaye, ma Masaar bay liqday..". Haa Muna waxay liqday "Mahdi".

Waxay isaga dhaaratay in ay sida Haweenka iyada la midka ah isu nadiifiso, una muujiso bilicsamideeda iyo hannaanka wacan ee uu Alla siiyay. waxay iska fogaysay adeegsiga :Qumqum, Cadar, Saabuun,Cillaan, Indha-kuul iyo dhammaan qalabyada ay Haweenku ku soo jiitaan Ragga. Laakin aad ayay ugu nadiifin jirtay Caruurteeda ugana dhigi jirtay "Shax-shax" iyo "Kaalay iska arag".

Lama huraan waxa Mooge ku noqday inuu iska furo Muna, siiyana saddexdeeda, waayo waxaa la yiri:-"Wax aadan huri doonin, laguma darsado Habaar waalid"." Ruux ay meeli u caddahay meeli ka madow".

Dhammaan wixii Malab-Shinni, Caana-Geel,Subag Lo'aad iyo joogag Ootkac ah(Muqmad) , Dahab iyo Dhar ee uu Mooge u soo dhigay Muna Gurigeeda ayay waxba tari kari waayeen.

Akhriso Qeybta 1-aad

Akhriso Qeybta 2-aad

Akhriso Qeybta 3-aad

Akhriso Qeybta 4-aad

Akhriso Qeybta 5-aad


La soco qaybta 7-aad.
WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy
kasmo1561@hotmail.com

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]