 SUBACA Qur`anka(114)
(Riix halkan)
|
|
|
B/Hiiraale:- Waa in la
joojiyaa fowdada Kismayo
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 29-April-08
Sida ay qortay wakaalada wararaka Reuters magaalada Oslo ee caasimadda u ah
dalka Norway ayaa berri waxaa ka furmaya shir ay isugu imaanayaan xubnaha ku
bahoobay kooxda caalamiga ah ee la-xiriirka Soomaaliya (International
Contact Group), iyadoo shirkaasina looga hadlayo arrimo ku saabsan Xaaladda
dalka Soomaaliya.
Shirka ay kooxdan ku yeelaneyso magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa waxaa
looga hadlayaa arrimaha siyaasadda, nabadgelyo iyo mida bani'aadannimo ee
Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena laga wada hadli doono arrimo ku saabsan dib
u heshiisiinta haatan socota ee la doonayo in lagu dhexdhexaadiyo dhinacyada
isku haya Soomaaliya.
Shirkaasi ayaa la sheegay in uu ka dhici doono magaalada Oslo ee caasimada
Norwey 30-ka bishan, waxaana sidaasi lagu sheegay war ka soo baxay
wasaarada arimaha dibada ee wadanka Norwey oo nuqul ka mid ah ay heshay
warbaahinta caalamiga ah ee SBC.
Norway ayaa hada waxay ka haysaa xilka gudoomiyenimada kooxda caalamiga ah
ee xiriika Soomaaliya, wadanka Mareykanka tan iyo markii kooxdaasi la dhisey
sanadkii 2006-dii, waxaana wasaarada arimaha dibada ee Norweyd ay sheegtey
in xukuumada Oslo ay sii wadi doonto dadaalkeeda arimaha Soomaaliya, si la
mid aha wadamada xubnaha ah kooxda ICG.
Mr.Johansen ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka jirtey sanooyin fara badan
xaalad fawdo, qas iyo jawhawareer, waxaana uu intaasi ku darey inay muhiim
tahay in beesha caalamka ay si buuxda u taageerto dadaalka Qaramada Midoobay
ee Soomaaliya ku wajahan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Kooxda Caalamiga ah ee Xiriirka Soomaalida oo
la aas-aasay sanadkii 2006 ayaa waxay horay u yeesheen shirar dhowr ah oo ay
uga hadleen xaaladda dalka Soomaaliya, ilaa iyo haatanna ma jiraan wax
muuqda oo ay kulamadaas ka bedeleen xaaladda dalka Soomaaliya oo haatan
mareysa meeshii ugu xumeyd marka loo eego xaaladaha nabadgelyo iyo nolol
la'aaneed ee ka jira.
C/laahi Xasan Baliil
Baliilkhan10@hotmail.Com.
Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)
Wararkii Hore
|
|
|
SUBACA Qur`anka (114) 
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
|
|