Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 29-April-08 Wararaka lagu kalsoonyahay ayaa waxaa ay sheegayaan in xildhibaan Bare Aadn
Shire Hiiraale uu sheegay in uu gacan bir ah ku qaban doono Xaalada Amaan ee
Magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose oo dhawaanahan Sii Xumaaneeysay.
Xildhibaanka ayaa waxaa uu hadalkani sheegay xili uu kulamo kala gooni gooni
ah la qaadanayay masuuliyiinta gacanta ku haya magaalada Kismaayo waxaana uu
sidoo kale sheegay in dhawaanahan uu u kuur galayay xaalada Amaan ee
magaalada.
Sikastaba ha ahaatee hadalka xildhibaan Bare Hiiraale ayaa ku soo
beegmaya xili dhawaanaha falalka ka dhanka ah amaanka ay ku soo kordhayeen
magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda waloow ciidamo Ammaan oo aan sidaa u
awood badneyn ay ka hoowlgalayeen magaaladaasi kuwaasi oo hoos u dhac uu ku
yimid howlgalkooda.
Hadalka Xildhibaan Bare Aadn Shire Hiiraale iyo Isbeheeysi uu hor kacayay
ayaa sanado ka hor waxaa magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobolada
Jubooyinka Ka eryay Xoogagii Maxaakiimta Islaamiga Somaliyed kadib markii ay
halkasi ku gaareen dagaal ay la galeen Isbeheeysigii Dooxada Juba.
Maalmihii ugu dambeeyaya magaalada Kismaayo waxaa ka jiray dagaalo soo noq noqday
taasoo sababtaya in ay tiro dad ahi ku dhintaan, lama oga wali in ay qaadan
doonaan hadalka xildhibaanka.