W/garadka G/Hiiraan
oo maanta kulan ka yeeshay xaaladda gobolka
B/weyne, Somaliya (Calanka.com) 29-April-08 Kulan looga hadalayay dhibaatooyinka ka taagan gobolka Hiiraan sida abaaraha, barakaca iyo xaalada amaan ee sii xumaaneyso maaliba amalinta ka dambeysa ayaa waxaa isugu yimid ugaasyada gobolka, waxgarad, culumaa'udiinka, ganacsatada, aqoonyahanada iyo jaaliyada reer Hiiraan ee ku dhaqan dalka dibadiisa.
Kulankan oo socday mudo saacado ah ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo wax looga qabanayo dhibaatooyinkaasi, iyadoo la sameeyay gudi si deg deg ah war uga soo saaro arrimahan maanta laga wada hadlay.
Ugaas C/raxmaan Ugaas khaliif oo isagu ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in maanta gobolka hiiraan ay la dageen dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin dad badan oo soo baro kacay oo gobolka joogo islamarkaasina dhibaatooyin cuno yari ay haysato iyo abaaro ka jiro qeybo ka mid ah gobolka iyo cuduro dadkii si ba'an ula dagay waxaa kalsoo uu sheegay ugaasku in amaanka gobolka maanta uu yahay mid aad u liito islamarkaana aan laysku haleyn karin.
Waxuuna ugaasku ugu baaqay bulshada caalamka iyo jaaliyada reer hiiraan ee ku nool dalka dibadiisa in ay gacan siiyaan dadka walaalahooda ah ee dhibaateysan ee ku dhaqan gobolka Hiiraan.
Kulanka ayaa maanta waxaa layskula gartay in 3 maalin la suumo si alle loo bariyo salaad roobdoon ahna maalinta jimcada ah ee soo socoto laysugu soo baxo.
Shirkan ayaa ah kii ugu horeeyay oo arrimaha loogaga hadlo maadaama maanta gobolka hiiraan ay isku bahaysteen dhibaatooyin isugu jiro abaaro cuduro dagaalo iyo sicir barar xoogan taasoo dad badan ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan macluul.
ilyaas axmed cilmi guute@hotmail.com
calanka.com
B/weyne