Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Taliyaha N/sugidda General Darwiish oo lagu soo dhaweeyay Sucuudiga


Jiddah, Saudi A. (Calanka.com) 30-April-08

Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Jeddah ee wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo xaflad casho oo soo dhoweyn ah u samaysay Jan. Maxamed Warsame Darwiish oo ah Taliyaha Ciidanka nabad sugidda Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha Guddiga nabadgelyada Qaranka kaasoo booqasho gaaban ku joogey wadanka sacudi carabiya.

Janaraalka oo uga waramay jaaliyada xalada wadanku maryo iyo sida loogu baahan yahay in qof kastoo soomaali ihi ka qayb galo xasalinta wadanka iyo soo celinta nabadgelyada baahida weyn soomaalida u qabto.


“Qofkastoo soomaali ihi door buu ku lahaa burburinta wadanka, sidaa darted waxaa looga baahan yahay in qof waliba ka qab galo dib u dhiska iyo dib u soo celinta amaanka wadanka”, ayuu yiri jananka oo u xog warameyey xubnaha jaaliyada jedda.

Xubanaha Jaaliyada Jeddah ayaa iyana jananka weydiiyey su’aalo dhowr ah oo ku saabsan talaabooyinka ay damacasantahay dowladadiisu iyo mowqifka dib u heshiisiinta dhowaan la damacsanyahay in la hirgeliyo.

C/raxman Xariri
xariri@hotmail.com

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.



    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]