Sidoo kale waxaa ay xil ka qaadistani ku soo aadeeysaa xili inta badan
Masuuliyiintii gobolkaasi ay iska casileen xilkii ay ka hayeen gobolka
Hiiraan, waxaana u danbeeyay gudoomiyhii Hore ee Magaalada Baladweeyne Cilmi
Saneey Qaasim oo isagoo ka maqan Baladweeyne uu sheegay warbaahinta in uu ka
tanasulay xilkii uu ka hayay Baladweyne.
Todobaadkani gudihiisa ayaa waxaa Gudoomiyhii hore ee Gobolka ee maanta
Xilka laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar uu saxaafada u sheegay in uu ku soo
laaban doono magaalada Baladweyne, waxaana uu xiligaa sheegay in uu wax ka
qaban doono xaalada uu haatan ku sugan yahay gobolka Hiiraan.
Xalay ayeey aheeyd markii kooxo hubeeysan ay ku dileen Magaalada Baladweeyne
Taliyihii Ciidamada xooga Dalka Somalia ee gobolka Hiiraan G/sare
Cabdullaahi Faarax Juuni kadib markii ay gurigiisa ugu galeen xili habeen
barkii ah kaasi oo qeeyb ka ah Maamulkii Maanta Xilka Laga qaaday .
Weli wax war ah kama soo bixin Gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ee xilka
laga qaaday Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo ku aadan xil ka
qaadistiisa sidoo kale waxaa iyana ka hadlin masuuliyiinta maanta xilka loo
magacaabay ee gobolka Hiiraan. Maamulka cusub ee gobolka Hiiraan:
Maxamed Axmed Maxamed = *Guddoomiye*
Saleebaan Axmed Hilowle = *Guddoomiye ku xigeen*
Cabdi Ibraahim Muumin Bariise = *Guddoomiye ku xigeen
Cabdi Iidow Sabriye = *Guddoomiye ku xigeen
Mas'uuliyiinta loo magacaabay Degmada Baladweyne:
Saalax Muumin Muuse= *Guddoomiye
Salaad Xasan Cabdi= *Guddoomiye ku xigeeen*
Cumar Aadan Ibraahim Baadiyow *Guddoomiye ku xigeen*
Inj. Faarax Muuse Taano= *Guddoomiye ku xigeen