Oslo, Norway (Calanka.com) 30-April-08 Shirkii ururka la magac-baxay The International Contact-Group on Somalia (ICG) oo maanta oo taariikhdu aheyd 30/04/08 ka furmay magaalo madaxda dalka Norway ayaa isla maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Oslo ee caasimada dalka Norwey.
Kulanka ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sidii loo difaaci-lahaa shacabka aan ka mid aheyn garbaha isku haya loolanka siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.
Shirkan ayaa lagu taageeray qorshaha ay Dawlada Federaalka Soomaaliyeed ku dooneyso inay kula heshiiso kooxaha mucaaradka,waxaana looga digay kooxaha isku-haya siyaasaya Soomaaliya inay isticmaalaan qori-caaradiis,balse waxaa loogu baaqay in xaalka Soomaaliya uu ku jiro wada-hadal iyo dib-u-heshiisiin loo sameeyo dhamaan kooxaha isku ceyrsanaya siyaasayada Soomaaliya.
Ururka ayaa sidoo kale go,aansaday inay hogaanka (Concern-Group}ku wareejiyaan Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,waxayna mahad-balaaran u soo jeediyeen Dawlada Norwey oo dadaal dheeri ah muujisay xiligii ay hogaaminayeen Ururka (Contact-Group).
Kulankaan ayaa waxaa lagu casuumay saxaafado caalami ah gudo iyo dibadba oo aan ka xusi karno idaacadda BBC-da, CNN, Laanta afka Somaliga ee BBC iyo kuwa kaloo badan, waxaana Shabakada Calanka.com ey qeyb ka aheyd saxaafadihii casuumaada helay iyadoo ey uga qayb-galeen saxafiyiinta kala ah Engineer Cabdulqaadir iyo political editor Xuseen Yaasiin Godo-Godo.