Sh. Aadan Ceyrow
iyo sagaal kale oo xalay lagu dilay Dh/mareeb
Oslo, Norway (Calanka.com) 01-May-08 Allaha u naxariistee waxaa xalay saqdii-dhexe diyaaradaraha Mareykanka ay gantaal la beegsadeen goob ay ku shirayeen saraakiil-sar-sare oo ka tirsan Ururka Alshabaab ee dagaalka kula jira Dawlada Federaalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Itoobiya,waxaana halkaas ku geeriyooday ninka ay sida weyn Mareykanka u baadi-goobi-jireen ee Macalin Aadan Xaashi Ceyroow.
Duqeyntan xalay ayaa waxaa sidoo kale ku geeriyooday Sheekh Muxiyadiin Maxamed Cumar oo ka tirsanaa Golihii Maxaakiimta ahaana mas`uulkii u qaabilsanaa dhinaca caafimaadka.
Afhayeen u hadlay Ururka Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobor ayaa qiray geerida Saraakiishii oogu tunka-weyneyd ee Alshabaab, wuxuuna wacad ku maray inay u aari doonaan saaxibadooda la laayay isagoo sheegay inay halkoodii ka sii wadi-doonaan dagaalka.
Afhayeen sidoo kale u hadlay wasaarada gaashaandhiga (Pentagon) ayaa ku faanay inay dawladiisu qaarajisay macalin Aadan Xaashi Ceyroow iyo 9-ka tirsan saraakiishi oogu fir-fircooneyd Ururka Alshabaab oo ay dawlada Mareykanka u aqoonsan-tahay inuu yahay Urur Argagaxiso ah.
Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb ayaa carro ka muujiyay weerarkan gantaalaha ee diyaaradaha Mareykanka ku qaadeen magaaladooda, waxaana ilaa iyo hada la helay meydadka dad lagu qiyaasay 10-ruux oo 4 ka mid ah ay si xun u jar-jarmeen.
Dawlada Federaalka Soomaaliyeed ayaan weli wax hadal ah ka soo saarin geerida Macalin Aadan Xaashi Ceyroow iyo duqeynta diyaaradaha Mareykanka ka geysteen magaalada Dhuusamareeb.
Wixii ku soo kordho dhacdadan kala soco shabakadaada koowaad ee wararka:- Calanka.com