Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Maamulkii Hiiraan ee shalay loo dhisay gobolkaasi oo qarkod is-casileen


Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 01-May-08

Qaar ka mid xubnihii uu shalay ra`iisal wasaaraha Somalia u magacaabay maamulka gobolka Hiiraan ayaa xilalakoodii iska casilay kadib markii ay sheegeen nin aysan ku qanacsanayn jagooyinka loo magacaabay .

Xubnahaasi lamagacaabay ayaa waxaa ay sheegeen in aysan wax jago ah kaqabanaynin dowlada ayna xiligaani jirin ciidamo latababaro.

Sikastaba ha ahaatee Xubanaha Iscasilay waxaa ka mid ah Guddoomiye ku xigeenka degmada B/Weyne Salaad Xasan Cabdi, Injineer Cumar Xasan Muuse, Cumar Aadan baadiyow, Guddoomiye k/xigeenka Gobolka Hiiraan Seelaabaan Axmed Hilowle G/Sare Axmed Cilmi guuto iyo Aadan magan Maxmed, waxaana xubanahaan iska casilalay xilalka shalay loo magacaabay ay ku sugan yihiin gudaha magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Lama ogo sababta dhabta ah In xiligaan ay is casilaan Xubnahaasi iyadoo la Sheegayo gudoomiyihii hore ee magaalada B/Weyn ku soo food leeyahay magaaladaasi uu iminkana ku suganyahay meel aad ugu dhow halka loo yaqaano Feer-feer ee Is Maamulka Soomaaliya Ee Ethiopia.

C/laahi Xasan Baliil
Baliilkhan10@hotmail.Com.

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]