Aadan Xaashi Cayrow waxa uu ka mid ahaa ragga sida weyn uu maamulka Mareykanka u baadi goobayay iyadoo gudaha Soomaaliya qeybo ka mid ah ku tilmaami jireen Zarqaawiga Soomalaiya oo ay ula jeedaan hogaamiyihii hore ee Alqaacidda Ciraaq Abuu Muscab Al-Zarqaawi oo ay Mareykanka Ciraaq ku dileen sanadkii 2006-da .
Dadka is bar bardhiga Aadan Xaashi Cayrow iyo Abu Muscab Al-Zarqaawi ayaa u cuskada in ay ku soo tababarteen dalka Afganistaan isla markaana Aadan Xaashi Cayrow sameeynayay waxii Zarqaawi dalka Ciraaq ka sameeynayay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in markii la riday maamulkii Taalibaan ee ka talin jiray dalka Afgaanistan sanadkii 2001-da in Aadan Xaashi Cayroow dib ugu soo laabtay Muqdisho isaga oo xilagaasi la socdeen tobaneeyo dagaal yahano Soomaaliyeed oo tababar ku soo qaatay dalka Afgaanistaan .
Aadan Xaashi Cayroow ayaa lagu dilay weerar duqeyn ah oo laga fuliyay guri ku yaal deegaanka Dhuusa Mareeb oo ay ku jireen hogaamiyaal ka tirsan hogaanka Alshabaab .
Wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa ku eedeyn jirtay Aadan Xaasho Cayroow in uu tababar ku soo qaatay saldhigyadii Alqaacidda ee Afgaanistaan , uuna ka dambeeyo dilal loo geeystay shaqsiyaad Soomalai ah oo dhanka nabadad u ololeyn jiray sanadkiin 2005-da iyo dilkii Muqdisho loogu geeystay Haweney Baadariyad aheyd oo dhalatay dalka Talyaaniga sanadkii 2006-da .
Mareykanka ayaa sidoo kale ururka Al-shabaab ku tilmaama urur mayal adag oo xariir la leh urur weynaha Alqaacidda ee uu hogaamiyo Usama Bin Ladin .
Ururka Alshabaab ayaa ka go`ay maxaakimta Islaamka ka dib markii Asmara ay kula kulameen waxa ay Shabaabka ugu yeereen Cilmaaniyiin .
Shabaabka ayaa sheegaya in ujeedkoodu yahay sidii Soomaaliya ay uga yagleeli lahaayeen maamulka Islaaami ah oo shareecada Islaamka wax ku maamula iyo sidii Ciidamada Itoobiya Soomaaliya looga saari lahaa .
Dilka Aadan Xaashi Cayroow ayaa dadka wax tirxaan bixiyay leeyihiin waxa uu dhabar jaba ku noqonaya dagaalkii ay ak wadeen Soomaaliya inkastoo Afhayeenka Al-shabaab Muqtaar Rooboow (Abuu Mansoor)sheegay in ay sii wadayana dagaalka.