Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Dooli (Jiir) hakiyay diyaarad rakaab ah


Cape-Town, S/Afrika (Calanka.com) 02-May-08

Dalka Hindiya Jiir ayaa lagu waramay in uu dib u dhigay muddo saacado ah duulimaad caalami ah oo xiligaasi ku wajahneyd maagalada London ee dalka Ingiriiska .Saxaafadda Hindiya ayaa laga soo xigtay in sheekadu ku bilaabatay ka dib markii Jiirka (Dooliga) uu galay diyaarad u diiwaan gishin shirakada duulimaadka Hindiya taasi oo ku sii jeeday dalka Ingiriiska maalintii Arbacadda iyadoo Jiirka uu galay ama ku gambaday daboolka hoose kursi dhaqaaqa oo uu ku fadhiyay Nin da`ah .

Waqti yar ka dib ayaa la arkay Jiirkaasi iyadoo maamulka Garoonka bixiyeen Digniin ah in diyaaradda duulin karin inta laga taqalasayo Jiirkaasi .

Wakaalada wararka Hindiya ayaa ka soo xigatay maamulka garoonka in soo qabashada Jiirkaasi ay qaadatay saacad dhan illaa sedex saacadood ah .

Warbixintu wax ay leedahay ma ah markii ugu horeeysay oo garoonka New Delhi dhacdadaani oo kale ay qabsaneyso , iyadoo bishii November Ey waalan uu galay garoonka halkaasina uu ku qaniinay ilaa afar qof iyadoo qabshadiisa saacado badan qaadatay .

Rakaabka diyaaradaasi saarnaa ee dib u dhaca uu ku yimid aaya muujiyay carro xoogan waxa ayna maamulka garoonka ka codsadeen in xaaladda jirta wax ka badalaaan .

Cismaan Xasan Cali (Fantastic)
ossmanfantastic@hotmail.com

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]