Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Wasiirka ar/dibadda Somaliya oo kulan la qaatay jaaliyadda Somalida Norway


Oslo, Somaliya (Calanka.com) 02-May-08

Xaflad si heersare loo agaasimay oo ay soo qaban-qaabiyeen xubno ka tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Norwey ayaa lagu qabtay (Holmenkollen Hotel-Oslo)oo aheyd goobtii lagu soo gaba-gabeeyay,kulankii ay kooxda (Contact-Group)kaga hadlayeen arimaha Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa loogu magac-daray (Kulan Sharafeedka Jaaliyada Norwey iyo Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya)waxaana lagu casumay xubno matalayey mucaaradka iyo mu,ayidka Dawlada Federaalka Soomaaliyeed,taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen dhamaan marti-sharaftii soo xaadirtay munaasabada.


Sheekh Axmed Maxamed (Sheekh-Beyra)oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa xafladda ku furay aayado quraan ah,wuxuuna kula dardaarmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Norwey iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed,inay gacmaha is qabsadaan,kana shaqeeyaan sidii loo heshiisiin lahaa kooxaha isku-haya siyaasada Soomaaiya,isagoo ka codsaday labada-dhinac inaysan qori-caaradiis waxba ku raadin,wuxuuna Wasiirka kula taliyay,hadii aysan wanaag u heyn umadda Soomaaliyeed inay ka hor-wareegaan oo ay is-casilaan.


Sheekha kadib waxaa maykarafoonka lagu soo dhaweeyay Marwo Fawsiya Maxamed Xaashi oo iyadu ah aqoonyahanad,si weyn looga qadariyo dalka Norwey,ahna la Taliye madaxbanaan oo dawlada Norwey u qaabilsan dhanka arimaha mujtamaca Soomaalida,waxayna ka warbixisay xaaladaha iyo nolasha ay ku sugan-yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed,iyadoo arin laga naxo ku tilmaantay in Jaaliyada wadankan oo cadadkooda lagu qiyaaso 20000-qofood,inaysan laheyn urur mideeya oo u hadla danahooda,sida ay u leeyihiin qowmiyadaha kale ee dalkan ku dhaqan,waxayna ka codsatay Jaaliyada reer Norwey,inay muujiyaan isku-duubni iskana daayaan tafaraaruqa.


Xiriiriyaha barnaamishka Cabdirisaaq Bile Ciise,ayaa,maykarafoonka ku soo dhaweeyay Xildhibaan ka tirsan Gobolka Oslo, Professor Siyaad Mursal,wuxuuna Xildhibaanka isagoo ku hadlaya magaca golaha deegaanka salaan-qaali ah,oo ka timid,dawlada Norwey gaarsiiyay wafdiga Wasiirka Arimaha Dibadda Cali Axmed (Jangali),kadibna wuxuu ka sheekeeyay sida ay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Norwey u taageer-san-tahay siyaasada Dawlada Federaalka Soomaaliyeed,wuxuuna kula dar-daarmay dawlada inay kasbadaan quluubta shacabka.

Gudoomiyaha Qurbo-Joogta Soomaaliyeed ee dalka Norwey(Somali-Diaspora-Organization) Dr-Cabdi-Wahaab Maxamed Saciid oo isna halkaas hadal kooban ka soo jeediyay,ayaa kula taliyay Jaaliyada Soomaalida ee wadankan,inay taageero hiil iyo hoo la garab is-taagaan Dawlada Federaalka Soomaaliyeed,kadibna wuxuu maykarafoonka ku soo dhaweeyay Wasiirka Arimaha dibada ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac (Jangali).


Wasiirka ayaa warbixin guud oo ku saabsan siyaasada dawladiisa siiyay martidii kulanka lagu casumay,wuxuuna dulqaa iyo taxadar u muujiyay labada dhinac ee kulanka wada fadhiday ee (Mucaaradka iyo Mu,ayidka),kadibna wuxuu Jaaliyada ka ogolaaday inuu diyaar u yahay inuu ka jawaabo kana jaahil-bixiyo cidii ay mugdi ooga jirto siyaasada dawladiisa,wuxuuna halkaas si taxadar iyo xikmad ku jirto ooga jawaabay dhamaan su,aalihii la weydiiyay.


Geba-gabadii kulanka ayaa la arkayey markii oogu horeysay mucaaradka iyo mu,ayidka Soomaalida ku dhaqan dalka Norwey oo wada-kaftamaya isna foor-jeynaya,waxaana shirka la soo xiray iyadoo ay wada qanacsan-yihiin dhamaan xubinihii lagu casumay munaasabada.

Xuseen Yaasiin Godo-Godo
tiibotalyaani@live.com

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.



    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]