Mareykanka
oo ka hadlay qaabkii loo dilay Ceyrow
London, Uk (Calanka.com) 03-May-08
Dawlada Mareykanka ayaa markii oogu horeysay qiratay, inay iyagu ka dambeeyeen dilkii Sheekh Aden Xaashi Cayroow iyo 10-sarkaal oo ka tirsan kooxda Alshabaab.
Afhayeen u hadlay Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka Mr-Bob Prucha ayaa qiray in Ciidamada Maraykanka ee saldhigoodu yahay magaalada Jabuuti,inay fuliyeen qaraxii gantaalada ahaa ee lala beegsaday guri ku-yaal magaalada Dhuusamareeb,waxaana uu sheegay afhayeenka in loo adeegsaday gantaal noonca-looyaqaan (Cruise-Missile)oo laga soo tuuray markab dagaal oo ku sugan Badweynta Hindiya.
Afhayeenka ayaa saxaafada u diiday inuu sheego qaabkii ay u fuliyeen weerarka,isagoo sheegay inuusan doonayn inuu faah-faahiyo,balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in la adeegsaday Sirdoon Soomaali ah oo ku sugnaa magaalada, kuwaasoo hagayey maraakiib Dhuusamareeb,kuwaasoo hagayey gantaalihii lagu garaacay goobtii ay ku shirayeen Sheekh Aadan Ceyroow iyo saraakiil sar-sare oo ka tirsan ururka Al-shabaab.
Mr Bob Prucha ayaa sheegay in Dawlada Mareykanka ay kula tala-jirto inay weerar ku qaadaan goobaha loogu sheego inay ku shirayaan xubnaha oogu sareeya Ururka Alshabaab oo ay Dawlada Mareykanka ku dartay liiska argagaxisada Aduunka.
Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)
Wararkii Hore
|
|
|
SUBACA Qur`anka (114) 
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
|