Maxaabiis
Somali & Kenyati oo laga sii daayay maanta xabsiyo ku yaal Itobia
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 03-May-08 Waxaa xabsi ku yaala dalka Itoobiya laga sii daayay 11 ruux oo isugu jira
Somali iyo Kenyan kuwaasoo in muddo ah ku xirnaa halkaasi sida ay sheegayaan warar laga
helay saraakiisha xabsiyada Itoobiyaanka.
Saraakiisha oo uu soo xiganayay wargeyska lagu magacaabo East African
Standrad waxaa lasii daayay dadkaasi,iyadoo walina ay jiraan dad xabsiyada
ku harsan.
Sida uu qoray Wargeeyska East African Stander ee ka soo baxa Dalka Kenya
dadkani ayaa la garaneeyn Sababta loo sii daayay laakiin ilaa 9 ka mid ah
Dadka Somalida Kenya ayaa weli Ku xiran Xabiyada ku yaal Dalka Ethiopia gaar
ahaan xabsiyada Magaalada Addis Ababa iyo magaalada kale Awaso ilaa iyo
hadana lama oga Sababta dadkani loo Siidayay welina 9 ka kale loogu heeysto
Xabsiyada.
Ilaa iyo 60 u dhashay dalalka Kenya iyo Somaliaayaa loo Dhoofiyay Xabiyada
Ku yaal Dalka Ethiopia 27 Janayo kuwaasi oo lag aqabtay Xadka u dhexeeya
Dalalka Kenya iyo Somalia kuwaasi oo ka Cararay Burburkii ku yimid
Maxaakiimta Islaamiga Somalia.
Dowladaha Kenya iyo Ethiopia ayaa maamulkooda ku eedeeyay dadkaasi in ay
xiriir la lahaayen Ururkii Maxaakiimta Islaamiga Somalied iyo Ururka Al
Qacida kuwaasi oo intooda Badan loo qaaday Dalka Ethiopia isla markaana lagu
hayay Xabsiyo ku yaal Dalkaasi qaar ka Mid ahna la aaminsan yahay in loo
Gudbiyay Xabsiga Guwatanamo Bey ee ku yaal Ganacnka Cuba ee Dalka
Mareykanka.
Dadkan ayaa ka mid ahaa kuwo horay loogu qab qabtay sababo la xiirra ku lug
lahaashada argagixisanimada,waxaana intooda badan laga xiray xadka bara
Soomaaliya iyo Kenya.
Dadka ayaa la sheegay in lasii daayay kadib markii baaritaano muddo dheer ku
socday lagu ogaaday rasmi ahaan in aanay ku lug lahayn waxyaabihii loo soo
xiray.
Laakin wargeysku waxaa uu intaa ku daray in dadka wali xabsiga ku harsan ay
baritaano ku soconayaan,ayna si aad ah ugu dhowdahay in ay argagixiso rasmi
ah yihiin sida lagasoo xigtay saraakiisha la dagaalanka argagixisada ee
dalka Itoobiya.
Wali masuuliyiinta dalalka Soomaaliya,Kenya iyo Itoobiya wax faafaahin ah
kama bixin dadkan la sii daayay iyo sababaha wali kuwa kale ay u xiran
yihiin.