Gudoomiyaha Degmada Caluula Iyo Wasiiro Ka Tirsan Puntland Oo Booqday Halka ay DOontu ku soo Caariday Ayaa halkaasi waxa ay ku soo Arkeen Maydka 3 Ruux oo La Socday Doonta Oo La Sheegay in ilaa iyo Haatan La Aqoonsan Halka ay u dhasheen In kasta oo waraaqo laga helay Jeebkooda ay Muujinayaan In u dhasheen Dalalka hindia Ama Pakistan Midkood.
Maydka 3 ruux ayaa lagu Aasay Degmada Caluula iyada oo Sawiro laga Soo Qaaday Doonidan Lagu Sheegay in haddii la helo Cid Sheegta Dadkaasi Haddi ay Codsadaan La siin Maydka si ay Dalalkooda ay Ugu Duugtaan.
Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Ibraahim Cartan Ayaa Warbaahinta Calanka u sheegay In ragan Ay Jarjartay Baddu Maydkoodii Iyo Doontii ay la socdeena Ay Ku Soo caayeen Xeebaha Bari Somalia.