Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
"Jaceyl waa kan oo kale"


Sanca, Yemen (Calanka.com) 06-May-08

Jacayl waa kan oo kale....!! (Qaybta 7-aad). - Goor Aroor hore ahayd ayuu Mooge ku dhawaaqay inuu furay Muna. Wuxuuse markii uu shaqadiisa aadayay kula sii ballamay in ay sugto isaga, oo ayan iska sii socon; si uu Casaryadii ugu amba-bixiyo xagga Muqdisha,uguna soo sallimo gacanta Sheekh-Maygaag.

Hase yeeshee,isla-markii uu Mooge u dhaqaaqay xagga goobtii shaqadiisa ayay Muna ku tallaabsatay diyaar-garow xoog leh oo Socdaalkeeda la xiriira.

Waxay isu-qurxisay si aanan abid loo arkin. Waxaa yaabay oo uu arrinku lama filaan ku noqday Haweenkii deriska la ahaa Muna idil-ahaantood,kuwaas oo u heystay in ay tahay Muna Haweeney areebanimo,anyaasanimo iyo wax isku-falid la'aan isku darsatay, dayacdayna quruxdii iyo haybaddii uu Allah ugu yaboohay.

Waxay isu adeegsatay wixii Kareemayaal,Qum-qum(Uunsi),Cadar iyo Indha-kuul u yiil guriga. Waxay Dahab si xarrago leh uga buuxsatay Luqunta (Qoorta),Dhegaha,Faraha iyo labada Gacmood. Waxay ku labisatay Googorad,Dirac,Shaash,Garbasaar iyo Kabo kuwii ugu qaalisanaa uguna bilicsanaa. Derisyadeedii oo dhan baa dib ugu noqday qooraansi hor leh iyo milicsi.

Waxay soo kiraysatay Gaari "Xaajiyo" laba-shirley ah. Waxay ku soo raratay wixii alaabo qaali ahaa ee fudud,sida shandadihii dharka. Waxay sidaas oo kale si cajiib ah ugu soo labistay saddexdeedii Caruur ee yar-yaraa. Waxay iyada oo isu-mashxaradaysa, aadna u faraxsanayd u soo dhaqaaqday xagga Muqdisha.

Saacad iyo bar ka-dib ayay Muna soo gaartay Aqalkii aabbaheed Sh.Maygaag ee Muqdisha. Sheekhu wuxuu isaga maqnaa Safarro xagga diin-fidinta ah(tabliig) ,waxaase Muna iyo Caruurteeda ku soo dhoweeyay Guriga Hooyadeed Mullaaxo iyo qaar ka mid ahaa walaalaheed. Iyagu ma ayan jeclaysan furriinka Muna,weyse ogaayeen in ay iyada iyo Mooge soo kala taagan yihiin iskuna dhib-qabaan,maarana loo waayay.

Markii ay Maqribyadii gaartayba, waxay Muna ku soo dhaaftay Caruurteeda Ayeydood Mullaaxo,waxayna iyadoo keligeed ah u soo dhaadhacday xagga reero ay is-yaqaanneen, oo deris la ahaa reer Muuse.

Muna ma ayan doonayn in ay toos u abbaarto Aqalka reer Muuse,waayo, waxay ku tala-gashay in ay marka hore ku tallaabsato xuuraansi iyo ururin xog la xiriirta guud ahaan xaaladda reer Muuse,gaar ahaanna "Aboowe Mahdi".

Waxay heshay Warbixin buuxda oo sheegaysa: in ay Aabbe-Muuse iyo Hooyo-Maleyko iska daba-geeriyoodeen labadii sano ee la soo dhafay iyo In la guursaday Muumina.

Waxay kale oo Muna, iyada oo horena u maqashiisnayd, haddana sii xaqiiqsatay in uu Mahdi dhammeeyay Waxbarasho Jaamacadeed,ku shaqeeyo macallinnimo, uun guursaday gabar lagu magacaabo "Marwo", oo ay Muna is-yaqaanneen,taas oo hadda u heysa laba Caruur ah.

Inkastoo ayan Muna jeclaysan,ilaa xadna ka sii naxday inuu Mahdi guursaday Marwo, uuna leeyahay xaas,haddana waxaa taas uga soo darnayd murugo iyo walwal (wirwir) hor lehna gelisay: Su'aasha ah:- Tolow,Mahdi weli ma ku taagan yahay, oo ma fulin doonaa ballantii uu qaaday oo ahayd inuusan Muna ku nici doonin garoobnimo,mase guursiga Marwo ayaa wax ka baddalay ?!!.

Waxay Muna si cod-hoose ah ugu luuqaynaysay heesta ah:- "Boholyow daraaddiis,bartamaha habeenkii sow ma soo baraarugo oo boggaygu kuma tebo...ballantii aan dhigannaba,weligaa ha beenayn,barashadii kal-gacalkuna bilaash yaaney kula noqon..".

Akhriso Qeybta 1-aad

Akhriso Qeybta 2-aad

Akhriso Qeybta 3-aad

Akhriso Qeybta 4-aad

Akhriso Qeybta 5-aad

Akhriso Qeybta 6-aad



La soco qaybta 8-aad...

WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]