"Jaceyl waa
kan oo kale"
Sanca, Yemen (Calanka.com) 13-May-08
Jacayl waa kan oo kale...!! (Qaybta 8-aad) Waa dhab Mahdi inuu guursaday Marwo;si fiicanna ay u wada-dhaqmaan, oo isula saan-qaadaan. Waa ay jirtaa in uu Mahdi soo xusuusto Muna iyo ballantii uu ka qaaday.
Laakin docda kale, waxaa la yiraahdaa:-"Indho run bay ku ooyaan","Laba wada qaawanna isma qaaddo","Af waa kuh, maa liki aamee" iwm. Waxaa is-weydiin leh:-Muxuu hadda Mahdi u qaban karayaa Muna ?!!. Mahdi Mushaarka yar ee uu qaato ma ku biili karayaa laba reer ?!!.
Mahdi miyuu la hor-tagi karayaa Marwo inuu guursanayo Muna ?!!. Muna ma tahay xitaa haddii uu Mahdi ku mehersado qaab qarsoodi ah,mid maaliyad ahaan is-bixin karaysa ?!!. Sideedaba Muna ma tahay qof la khudba-sireyn karayo ?!!.Ma lagu fekeri karayaa in la furo Marwo, laguna baddalo Muna ?!!.
Waa Su'aalo ayan jawaabahoodu sahlanayn,meeshana ku jira kara. Si kastaaba arrintu ha ahaatee,Muna ayaa waxay go'aansatay: in ay Mahdi u istaagto dhammaan Waddooyinka uu maro iyo meeshii kasta oo ay ka heli karayso; si ay ula kulanto fool-ka-fool, uguna sheegto in la soo furay, kuna soo hadal-qaaddo fulinta ballantii u dhaxaysay labadooda.
Waxaa Muna loo tilmaamay Waddo ka timaada xagga Suuqa Xaafadda,taas oo uu badanaaba soo maro Mahdi Maqribyadii, isaga oo ku labisan Macawis,Shaar,Camaamad iyo Dacas,Gacanta midigna ku wata Tusbax abuu 33-Xabbo ah.Goorahaasna ay tahay marka uu Mahdi dadka kula sheekaysto Waddooyinka.
Maalin Khamiis ah, goor ay maqribyadii ahayd ayay Muna soo kaxaysatay saddexdeedii caruur. Mid dhabarka ayay ku sidday,labana gacmaha ayay ka heysay. Waxay soo gaartay waddadii loo ishaaray ee uu soo marayay Mahdi. Makiinad kuwa saliid-Macsarada ah oo meesha ku tiil ayay ag-istaagtay,iyada oo isu ekaysiinaysa ruux sugaya qof ku jira gudaha gooba,waxayna isha ku heysay hadba qofkii kasta oo soo mara waddada.
Daqiiqado ka-dibba, waxaa dhanka Suuqa ka soo muuqday Mahdi,kaas oo u labisnaa habkii la filayay. Muna waxaa ay gadaal ugu guratay meel xoogaa mugdi ah oo ku naban Makiinadda saliidda, si ayan isha dadku u qaban,faallana uga bixin waxa ay kula hadlayso Mahdi; waayo waxaa badan kuwa loo yaqaan "War-xumo-tashiillo". Mahdi Suuqa ayuu ka yimid,waxaana uu watay, oo waraaqo ugu duuduubnaa Macmacaan ay jaclayd Xaaskiisa Marwo,kaas oo uu ugu gogol-xaarayay Habeenkaas Jimcuhu uu soo galayay.
Macmacaanku wuxuu isugu jiray:-Xalwad,Doolshe,Buskut iyo waxyaabo kale oo dhammaan farsamada Banaadiriga ah. Waayo,markii uu Mahdi ka soo baxayay Aqalkiisa ayuu arkayay Marwo oo isu diyaarinaysay "Jimcaysi". Taas oo aqalka oo dhan nadiifisay, kuna ekaysiisay waxyaabo udgoon badnaa,si fiicanna u gogoshay qolalka oo dhan, gaar ahaan kan jiifka.
Mahdi wuxuu arkayay oo kale Marwo oo ku labisatay dhar khafiif ah oo u muujinaya jirkeeda oo dhan,soona jiidanaya Mahdi. Weliba wuxuu qooraansanayay Mahdi Marwo oo u diyaarinaysa nooc-Casho oo uu aad u jeclaa isagu. Mahdi isaga oo arrimahaas ka jawaabayay ayuu Macmacaanka Suuqa uga soo doonay Marwo. Wuxuu ku camal-falayay Murtida ah:-"Gacmo is-dhaafaa Gacal ku jirtaa".
Reer Xamarna waxay yiraahdaan:-"Saxan, Saxan ku gud", Reer-Afgooyana waxay ku shirbaan:-"Sabuul-Galleey,Nin ku siiyay aa la siiyaa".
Mahdi iyo Muna oo kulmaya
Si uusan filanayn ayuu Mahdi dhankiisa Midig, meel aan ka fogayn oo ilaa xadna mugdi ahayd uga maqlay Cod macaan, naxariis leh, kal-gacalna uu ku dheehnaa oo ugu yeeraya:-"Mahdi,Mahdi...Abboowe-Mahdi".
Dhankii looga yeeray ayuu eegay, abbaaray,kuna dhowaaday,wuxuuna yiri:-"Yaa waaye,yaa ii yeeray ?". Waxaa loogu jawaabay:-"Aboowe-Macaane Mahdi Xaaji-Muuse, waa Aniga...Waa Muna Sheekh-Maygaag"...!!.
Mahdi ayaa isagoo qosol-gariiraya,fajacayna si caadi ah gacanta uga salaamay Muna, dabadeedna madaxa ka wada tabtay Caruurta Muna.Wuxuuna isaga oo ay arrintu ku noqotay lama-filan yiri:-"Ii warran Abaayo-Muna ?".
Muna ayaa waxay tiri:-"Marka hore, waxaad iga guddoontaa Tacsida Aabbe-Muuse iyo Hooyo-Malayko...waan maqlay geeridooda...Allaha u naxariisto,waa ay naga wada dhinteenna". Waxay kaloo Muna raacisay intaas:-"Tan kale,waa la i soo furay Aniga, ballantii naga dhaxaysay fulinteeda ayaanna kuugu imid oo kuugu socdaa".
Xaaladdan taaggan ayaa u eg tii ay gabadhii heesaysay ku lahayd Ninka:-"Laba heshiis ahoo,hadday kala tagaan,ama weys halmaamaan,ama isu soo hiloobee...hadda maxaynu yeellaa ?.Ma harsannaa ? Ma hoyannaa ? Ma hawl-galaynaa ? Maxaa kula hagaagsan ?!!.
Akhriso Qeybta 1-aad
Akhriso Qeybta 2-aad
Akhriso Qeybta 3-aad
Akhriso Qeybta 4-aad
Akhriso Qeybta 5-aad
Akhriso Qeybta 6-aad
Akhriso Qeybta 7-aad
La soco qaybta 9-aad.
WQ: Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)
Wararkii Hore
|
|
|
SUBACA Qur`anka (114) 
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
|