"Jaceyl waa
kan oo kale"
Sanca, Yemen (Calanka.com) 19-May-08
Jacayl waa kan oo kale....! (Qaybta 9-aad)... Muna hadalkeedii ayay sii wadatay,iyada oo tafaasiil dheeraad ah ka bixinaysa Sir aaney dadku wada ogayn, oo ku saabsan Furriinkeeda iyo inay iyadu hor iyo horraanba sabab u ahayd Burburka Qoyska iyo kala-dhantaalidda Himiladii Mooge.
Muna waxaa ay u sheegtay Mahdi:- inuu Mooge la raaxaysan kari waayay;hurdo uga bogan kari waayay Aqalkiisa; keydsan kari waayay Maaliyad; Gurigiisa ka waayay Cunno iyo Cabitaan wacan oo faya-qabta. Mar kastana ay soo hor-dhigi jirtay Liisas dhaadheer oo Mashaakillo been-abuur ah iyo Codsiyo maliiqan ahaa.
Waxaa ay sheegtay in ay taahi jirtay kana caban jirtay "Jinniyo" iyo Duulal aanan muuqanayn, Heybtooda iyo Xaruntooda la aqoon, bartoodana la arkayn oo iyada haya.
Muna waxay ku soo gabagabaysay warbixinteeda:-"Mahdiyow, intaas oo dhan, waxaan u yeelayay inuu i furo Mooge,uuna qaato dersi muhim ah oo la xiriira:-in aanan lala dhaqmi karayn ruux aanan ku doonayn; Qoys hagaagsanna lagu dhisi karo oo kaliya jiritaanka Jacayl u dhaxeeya labada ruux(Nin,Naag),ama hore ha u soo jiro amaba gadaal ha ka yimaado.
Waxaa kale oo ay tiri Muna:- "Ujeeddadaydu waxaa ay ahayd -sidii ballantu ahayd- in aan adiga dib kuugu soo noqdo, oo is-guursanno, wada-dhisnana Qoys wacan oo tusaale loo soo qaato, kuna qotoma Jacaylka ay Xididdadiisu dhaadheer yihiin ee naga dhaxeeya".
Intii ay Muna wadday hadalkeeda oo dhan, hoos ayuu u fooraray Mahdi,korna waa uu u soo qaadi kari waayay Madaxiisa. Hadalka waa uu ka jiibinayay, laakinse,docda kale, waa uu murugaysnaa, walaacsanaa, lug kaliya ayuuna ku joogay.
Waa uu garwaaqsanaa Doodda Muna,hase yeeshee, waxaa u muuqanayay, sida ay isaga ugu adag tahay waqtigan fulinta iyo taabba-gelinta ballantii uu qaaday. Taas waxaa ka sii darnaa walwal iyo walaac uu ka qabay: in Marwo oo socota, oo isaga ku raad-joogta ay meesha ugu timaado. Badanaana Marwo waa ay soo raadin jirtay Mahdi goortii uu ku soo raago meel uu aaday.
Haddii Marwo ay soo raadin lahayd Mahdi, soona kor-joogsan lahayd oo arki lahayd Mahdi iyo Muna oo wada-taagan meel leexad iyo mugdiba ah, hadalkana hoos isugu dhigaya, isla markiiba waa ay fahmi lahayd dulucda wada-hadalkooda, waayo, waa ay maqashiisnayd taariikhdii hore ee Jacaylka Muna iyo Mahdi.
Waa la hubaa in ay Marwo ku halqabsan lahayd Murtiyo ay ka mid yihiin:-"Wax la qariyaa Qurun baa ku jira","Ciyaar haddii uusan wax ku jirin,maxaa habeenkii loo tumaa","Indha-Jacayl isma eegi karaan" iyo Murtiyo kale.-mase ay imaan Marwo-Alla mahadiise.
Mahdi, isaga oo aad mooddo in uu hadalka ku merganayo, toosna aanan u soo tuuri karayn ayaa waxaa uu yiri:-"Abbaayo Muna, waa run,waana aan garaysanahay dhammaan erayadaada,mana aan dafiri karayo,laakinse docda kale, waad maqashay in aan anigu hadda Xaas iyo Caruurba leeyahay, culays xagga dhaqaalaha ahina uu i saaran yahay".
Wuxuu kaloo tibaaxay Mahdi:-"Sidii laga yeeli lahaa fulinta Ballantii naga dhaxaysay,waxay u baahan tahay, inaannu uga hadalno meel kale; ka-fiirsasho;falanqayn iyo is-tusaaleyn sidii looga dabbaalan lahaa "Baddan"...!!,waayo waxaa la yiri:- "Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa". Waxaa kaloo la yiri:- "Caano aan firiqsi loo dhamin iyo hadal aanan fiirsi loo dhihin, feeraha ayay wax-yeelaan".
Muna oo u bogi la' hadalka iyo Murtiyaha Mahdi,shakina uu galay, ayaa si deg-deg ah ula soo boodday:-"Mahdiyow,ma wixii aniga iyo adiga noo dhaxeeyay iyo ballantii ay dadka Adduunka iska daayee ay xitaa reer Aakhiraadku ogaayeen(Muuse & Maleyko) ayaad haatan leedahay: waan ka fiirsanaynaa oo aad ka keentay "miic-miic" ?!!.
Mahdi ayaa isaga oo uu hadalka Muna ku noqday sidii "Burrus" madaxa looga garaacay oo kale yiri:-"Maya, maya Abbaayo-macaan, sidaas ha u fasirin, qaladna ha ii fahmin, waxaan ka wadaa oo kaliya baahi loo qabo: qorshayn iyo dib u eegid, waayo xaalad adag ayaan hadda ku jiraa oo guur kale oo deg-deg ah oo toos ah ma gali karo, inkastoo uu Jacaylkaagu weli ka nool yahay dhankaygaba oo uusan dhiman,iguna guda-jiro".
Akhriso Qeybta 1-aad
Akhriso Qeybta 2-aad
Akhriso Qeybta 3-aad
Akhriso Qeybta 4-aad
Akhriso Qeybta 5-aad
Akhriso Qeybta 6-aad
Akhriso Qeybta 7-aad
Akhriso Qeybta 8-aad
La soco qaybta 10-aad...
WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)
Wararkii Hore
|
|
|
SUBACA Qur`anka (114) 
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
|