Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Hooyada wanaagsan waxey wanaajisaa qoyska


Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 22-May-08

Qofkasta oo bini'aadam ahi wuxuu jecel yahay in uu helo degenaansho, isla markaana gaadho horumar gaar ahaan marka ay timaado dhinaca nolosha qoyska, waxaanu isku dayaa sidii uu taa u yeeli lahaa ama u samayn lahaa intii karaankiisa ah.

Laakiin arimuhu uma wada dhacaan sida uu rabo ee uu ku talogalsan yahay iyo sida uu qorshaha u dhigtay, sababtuna waa kala duwanaansho ay lamaanaha qoysku ku kala aragti duwananaadaan sida hawshaa loo maaraynayo. Habsami u socodka nolosha qoyska iyo horumarkiisu waa arimaha marka ay soo baxaan in la helo fikir caafimaad qaba iyo aragti qoto dheer oo lagu maareeyo, taas oo aan ka maarmayn in labada qof ee qoyska maamula midkood uuni tanaasulo, oo uu dabacsanaan muujiyo taa badalkeedana uu ka kale fahmo tixgalinta loo samaynayay oo ah amah lagu leeyahay.

Khilaafka lamaanaha qoysku maaha wax aad u wayn hadii la fahmo xalka ama wadajir loo raadiyo xalka intii la sii buunbuunin lahaa muranka isu tanaasulida, wada tashiga iyo isu tixgalinta aragtiyaha kala duwan ee lakala qabo kadibna dhinaca xalka laga galo waa horumarka qoyska, waxa jirta oo mid dhab ah in lamaanaha qoysku yihiin sidii laba qof oo hanti u dhaxaysa ka xisaabtamay kuwaas oo hadii ay adeegsadaan ama ku dhaqmaan qaacidada tidhaahda xisaabi xil male hadii aan la xumay, si fudud ku dhamaysan kara arimahooda sidaa daraadeed waxa la mid ah arinta qoyska oo hadii ay fahmaan in waxa la isku qabanayaa yahay dan u dhex ah ay fududaanayso sida ay xalku gaadhi lahaayeen.

Hadaba waxa maragmadoon ah in hooyada wanaagsani reerkeeda ka dhigto sida boqortooyo adag oo ku taagan tiirar waawayn, sababtuna waa iyada oo waxwalba ka horaysiisa jiritaanka reerkeeda, koriimada ubadkeeda, iyo sidii uu ninkeedu u noqon lahaa qof caan ah oo leh horumar iyo maqaam sare, waxaana ay taasi ka dhigtaa ninka mid bulshada dhexdeeda ku leh miisaan culus halka ubadkeeduna ka noqdaan hogaamiyaasha bulshada ee bari, arintaas oo markhaati u noqonaysa halku dhegii ahaa " ninkasta oo culus waxaa ka danbaysa haweeney", sidoo kale ayaal a yidhaahdaa ilma kasta waxaa dhaqankiisa lagu gartaa qoyska uu ka soo baxay.

WQ: Maxamuud Maxamed Yuusuf
Email:wali335@gmail.com
Email:xuuto_2005@hotmail.com

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]