 SUBACA Qur`anka(114)
(Riix halkan)
|
|
|
Kulan looga hadlayay sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa
Somalida Norway
oo ka dhacay Oslo
Oslo, Norway (Calanka.com) 22-May-08
Kulan looga hadlayey sidii shaqo loogu abuuri lahaa Soomaalida shaqo la,aanta ku ah dalka Norwey(Arbeids-Ledig) ayaa lagu qabtay Xarunta Midab-kala-sooca ee (Anti Racist Center)oo ku yaal Magaalada Oslo ee caasimada dalka Norwey.
Kulankan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay,iskuna soo duba-riday,Dr Siyaad Maxamed Mursal oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Gobolka Oslo iyo Dr Reknar oo la taliye u ah Urur loo abuuray inay caawiyaan Soomaalida shaqo la,aanta ah,qaasatan kuwooda muqayiliinta ah, ee uu dilooday Qaadka (Asxaabul-Marqaan),waxaana lagu casumay oo halkaas ka hadlay xubno ka tirsan Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Norwey iyo marti-sharaf u dhalatay dalka Norwey.
Dhageyso wareysiyada:
Dr. Siyaad Maxamed Mursal 
Dumarka Oslo 
Imaam Qorey 
Prof. RAKNAR 
Mrs. Kari Elena 
Dr. Siyaad Maxamed Mursal oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka Gobolka Oslo ahna qaban-qaabiyiha munaasabada oo furitaankii xaflada ka hadlay,ayaa kula taliyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Norwey inay ka faaideystaan fursadaha shaqo ee wadankan laga helo,wuxuuna dardaaran u soo jeediyay Somalida muqayaliinta ah iyo kuwooda aan shaqeysan,inay la soo xiriiraan xafiiskooda oo loo furay inay caawiyaan Soomaalida shaqo la,aanta ah iyo kuwa dareema inay midab-takooor kala kulmaan goobaha shaqada,Xildhibaanka ayaa sheegay in saxaafadaha wadankan,ay ku been abuurteen Jaaliyada Soomaalida,isagoo arin lagu faano ku tilmaamay inay shaqo geeyeen intii ay abuureen ururkan loogu tala-galay inuu caawiyo Soomaalida shaqo la,aanta ah,in ka badan 30-ruux,kuwaasoo badankood ka shaqeeya waqti-xaadirkan Hoteelo iyo Dukaamo ku yaal dalkan.
Xildhibaanka kadib waxaa maykarafoonka lagu soo dhaweeyay Dr Reknar oo la lataliye u ah Ururkan loo abuuray inay caawiyaan Soomaalida baaga-muundada ah (Arbeids-Ledig),qaasatan ragga muqayaliinta ah,ayaa sheegay nasiib wanaag inay ku guuleysteen inay shaqo u abuuraan,Soomaali fara-badan,wuxuuna arin lagu farxo ku tilmaamay in Soomaalidu yihiin muruq-maal xoogooda maala hadii ay helaan dad ka caawiya habka shaqada looga helo wadankan.
Maykarafoonka ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay Mrs Kari Elena oo madax ka ah Xafiiska midab-takoorka (Anti-Racist-Center)waxayna ka sheekeysay in xafiiskan loo furay inuu kaalmeeyo dadka la midab-takooro,iyadoo soo dhaweysay inay wada-shaqeyn la yeelato Jaaliyada Soomaaliyeed.
Haweeneydaan ayaa ku dhiiragelisay Soomaalida inay xafiiskeeda la soo xiriiraan hadii ay cunsuriyad iyo midab-takoor ka dareemaan goobaha shaqada.
Geba-gabadii kulanka waxaa munaasabada ka hadlay dhawr dumar Soomaaliyeed ah oo dhamaantood dhaliil u soo jeedihay ragga qayila ee mashaqeys-tayaalka ah,iyagoo sheegay in magacii iyo sharaftii karaamada Soomaalida ay hoos u dhigeen ragga shaqada ka dhigtay inay marqaamaan.
Dumarkaan ayaa Dawlada Norwey ka codsaday in lacagta ceyrta ah laga gooyo ragga Muqayaliinta ah,isla-markaana waxay wacad ku mareen inay boorsooyinka banaanka u dhigayaan (Bacdii-Madoobeed)ragga caadeystay inay shaqo ka dhigtaan qaadka,waxayna ku faaneen inay xariir u goglayaan ragga muruqooda maala ee xoogsatada ah.
Waxaa xusid mudan in Shabakada Calanka.Com oo lagu casumay kulankan,ay u suurto-gashay inay cod iyo maqal ka soo duubto munaasabadan,waxaana halkaan ka dhegeysan-kartaan dhamaan codadkii aan ka soo duubnay marti sharaftii ka hadashay kulankan oo aan halkan magacyadooda ku soo koobi-karin.
Xuseen Yaasiin Godo-Godo
TiiboTalyaani@live.com
Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)
Wararkii Hore
|
|
|
SUBACA Qur`anka (114) 
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
|
|