Rabshadi S/Afrika
oo yaraatay
Cape-Town, S/Afrika (Calanka.com) 22-May-08
Waxaa deganaansho laga dareemayaa guud ahaan gobolka barwaaqasooranka ah Ee Gouteng oo eey rabshado halakeeyen 9-kii maalmood ee lasoo dhaafay, balse wararka ka imnaya gobolka Kwazulu-Natla ayaa sheegaya in laga cabsi qabo rabshado halkaasi ka qarxa markale.
Sida eey sheegeen madaxda gobolka Kwazulu Natla , waxaa degan xaalada gobolka Gouteng oo eeysan jirrin wax rabshado ah oo maanta illaa xalay ka dhacay gobolka.
Dhanka kale waxaa socda dadaalo gargaar lagu gaarsiinayo kumanaan dad ah oo ku barokacay rabshadaha, waxaa la’isku dayayaa in la siiyo raashiin iyo hoy . Dadka loo xirxirey rabshadaha ayaa gaaraya 300 qof, tirada dhimashadana waxay gaaraysaa 25 qof, halka dadka barokacay eey gaarayaan 10,000 qof.
Gobolka Kwazulu-Natal ayaa la sheegayaa in laga cabsi qabo in eey rabshadaha ka qarxaan gobolkaasi, taasi waxay timid markii koox dad ah eey weerar ku qaadeen caweys (Club) uu lahaa nin Uu dhashey dalka Nageria , halkaas oo ay burbursheen Clubkii, waxaa kale oo jirtey in dad Muzambican ah oo xaafad degenaa in lagu wargaliyey in eey dalkoodii ku noqdaan, laakiin madaxda dawlad goboleedka Kwazulu-natal- ayaa sheegey in arrintaasi eey ka dambeeyeen xisbiga IFP, balse xisbigaasi waa uu ka biyo diidey Arrintaas in ey lug ku leeyihin.
Hassan YeeY
Emil: yeey18@hotmail.com
Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)
Wararkii Hore
|
|
|
SUBACA Qur`anka (114) 
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
|