Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Qarax ka dhacay wadada Makka-Al-Mukaram ,Muqdisho


Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 22-May-08

Qarax Xooggan oo nuuca miinada dhulka lagu aaso ah ayaa maanta lala beegsaday ciidamo Ethiopian ah oo wadada Maka-al-mukarama marayay.

Qaraxani oo dhawaqiisu dheeraa ayaa ku wajahnaa sida wararku nagusoo gaarayaan ciidamo Ethiopian ah oo ku sugnaa inta u dhexeeysa saldhiga booliiska degmada Waaberi iyo Hotelka Ambassador ee wadada Makka Al Mukaarama waxaana la sheegay in qaraxaasi uu ka dhashay miino dhulka lagu Aasay.

Sida dad deegaanka ahi u xaqiijiyeen shabakadda warbaahinta Calanka ayaa ciidamada Ethiopianka ah ee halkaasi ku sugnaa bilaabay in ay rasaas xoogan ridaan qaraxasi ka dib taasi oo keentay in dadka iyo Gaadiidka ay ka kala cararaan halkasi .

Qaraxaasi kadib ayaa Ciidamada Ethiopianka ah isku gadaameen halka uu qaraxa ka dhacay iyagoo bilaabay baaritaan, mana cada ilaa iyo iminka in khasaaro uu dhaliyay qaraxaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee halkaasi laga helayo ayaaa waxaa ay sheegayaan in xaalada aay iminka degentahay laakiin wali ay baaritaano xowli ah ay sameenayaan .

C/laahi Xasan Baliil
Baliilkhan10@Hotmail.Com.

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]