Wariye Fantastic
oo ku hoyday xabsi ku yaal S/Afrika
Cape-Town, S/Afrika (Calanka.com) 24-May-08 Xilli ay weli dalka S/Africa ka soconayaan boobka lagu hayo ajaanibta ayaa habeenkii xalay boqolaal Somali ah ku hoydeen saldhig boolis oo ku yaal deegaanka Plettenbergbay Ee Magalada Cape Town.
Arrintaan ayaa ka dambeysay ka dib markii qaswadayal u dhashey dalkan S/Africa oo ku hubeysan faasas, baangado iyo budud ay hareereeyen halka soomaalida degan tahay kuna ganacsato.
Somalida oo qaarkod la boobay ayaa markii dambe ku guleystay in ey cararaan oo ey magan-galyo weydiistaan saldhig boliis oo ku yal deegaankaas.
Wariye Cismaan Fantastic oo ka mid ah wariyaasha shabakada wararka Calanka.com ayaa ka mid noqday dadkii xalay ku hoyday saldhiga booliska, wuxuuna Wakaladada Wararka Ee Calanka u sheegay in arimaha ka socda S/Afrika la aaminsanyahay in ery yihiin arimo axsaabi ka dambeyso inkastoo laga gows qabsanayo shaacinta magaca xisbiga.
Wariye Fantastic ayaa inta raacshey in uu daaqada boliska ka arkay dad ku xoonsan saldhigga oo oranaya "Aragti ha lagu toogto dadka ajaaniibta ah ee ku dhaqan guud ahaan dalkan S/Africa", ayuu yiri wuxuuna intaa ku daray in uu argagaxay markuu erayadaa maqlay.
Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli madaxweyne Thabo Emabkhi uu ansixiyey in ciidanka deg-deg ah ee qalabka sida loo diro meelaha ay rabshaduhu halakeeyen ee tuulyoinka balse taasi waxaa ka niyad jabey dadka ajaanibta ah ee lagu barakiciyey guud ahaan dalka S/Africa.