Minnesota, USA (Calanka.com) 24-May-08 Caaqil Xaaji Maxamud Cali Jimcale (Koogaar) ayaa waxuu soo saaray warsaxaafadeed ku aadan DASTUURKA cusub ee Federalka kaasoo dhawaan la diyaarin doono.
WARSAXAFADEED
Waxaan u soo jedinayaa Dowlada Federaaliga ah iyo waliba hay'adaha ku shaqada leh inay soo diyaariyaan dastuurka Federaalka ee dalka Soomaaliya inay ka fiirsadaaan wararka hoose ee sheegaya inay Muqdisho caasimad tahay beel walbana loo dooran karo inay gobolkaas hogaamin karto sababtoo ah ma socon doonto arinta ah“KAAGANA KULA LIHI KEEYGANA LIHI”
Muqdisho waa caasimadda laakin taas macnaheedu ma aha in beeshii xaqa u lahayd aysan hogaamin gobolka Banaadir. Caasimada gobolkan waxey ku naqotay waxay tahay in madaxtooyada iyo xarumaha dowladda ay ku yaalaan, muwaadin kasta oo Somaali ahna waa ku noolaan karaa, degina karaa laakiin maadaama ay Dowladu tahay Federaal, Muqdishana Federaalka ayay wax la qabtaa beeshii lahayd Gobolkaas ayaana xaq u yeelan doona inay madax ka noqdaan Gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisaba.
TALO SOO JEEDIN
Madaxda ugu sareysa Dowlada sida m/weynaha, r/wasaraha iyo waliba gudoomiyaha barlamaanka waxaan kula talinayaa inay xaqa tageeraan oo laga dhowro wixii musuq maasuq u keeni kara dastuurka cusub ee la doonayo in dhawaan la soo dhisi.
Hadii uu mar qaldamo dastuurka Federaalka waxan dhihi karaa waxaa qaldami doona dhamaan dastruurka dalka Soomaaliyeed oo dhan loo soo dajiyay ee fadlan hala dhowro xaquuqda ay xaqa u lee yihiin dhamaan gobolada kale oo dhan sida ay wax u helaana waa in Muqdisho u hesho.
Waxaan kaloo halkan ugu soo jeedinayaa anigoo ah Caqil Koogaar xubnaha barlamaanka Federaalka qaarkood oo soo jeediyay inaan xiligan laga gaarin in dastuurka la dhamaystiro dowladuna ay wax yar u dhiman tahay inay daayaan is hortaaga ay ku hayaan dhamaan shacabka Soomaaliya, waxaana taageerayaa in la bilaabo sida ugu dhaqsaha badan in dastuurka la hirgeliyo la tashiyana lala sameeyo dhamaan gobolada Soomaaliya gaar ahaan Beesha ka soo jeeda Gobolka Banaadir ee Mudulood.
Wabilihaai Towfiiq
Muqtaar Ahmed Mohamud “Katiitow” katiitoow@yahoo.com