Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Qaxwada badan oo kor u qaada heerka sonkorta dhiiga


Hergeysa, S/land, Somaliya (Calanka.com) 25-May-08

Daraasad lagu sameeyay dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in caadaysiga cabitaanka maadada loo yaqaano kayfiinta eek u jirta bunka ay sare u qaadi karto heerka sonkorta dhiiga ilaa 8%.

Sidoo kale daraasadan waxaa lagu ogaaday in joojinta shaaha iyo cabitaanka bunku ay caawin karto dadka qaba cudurka macaanka inay xakameeyaan xanuunka haya, waxaanay cilmi baadhistani muujinaysaa in sare u kaca heerka sonkorta dhiigu ay saamayn ku yeelanayso dawada cudurka macaanka.

Cilmi baadhayaasha maraykanka oo ka hadlayey arinta ayaa yidhi : “kafaayiinta oo jidhka laga saaraa waxay inagu caawin kartaa jidh quman oo loo maaro leh macaanka nooca loo yaqaano Diabetic type 2. Sidoo kale, James Lane oo isagu ah hogaamiyaha daraasadan ayaa yidhi: “cabista bunku waa mid bulsho ahaan caan ah, laakiin ay ilowsan yihiin inuu ka kooban yahay daroogada xoogga badan ee kafaayiinta” .

Sidaas daraadeed waxay daraasadani ina faraysaa in habka kaliya ee loo yarayn karo heerka sonkorta dhiigu ay tahay in la joojiyo dhamaanba isticmaalka kagayga iyo sharaabada kale ee ay ku jirto maadada kafayiinta oo caadi ahaan kor u qaada heerka sonkorta ee jidhka.

Cilmi baadhayaashu waxay daraasadan ku soo gaba-gabeeyeen taladan: “ Habka kaliya ee ugu wanaagsan in lagu xaddido heerka sonkorta dhiigu waa cunista cunto fiican oo dheelitiran iyo jimicsi”.

Maxamuud Maxamed Yuusuf
Hargeysa, Somaliland, (Somalia)
Email:xuuto_2005@hotmail.com
Email: wali335@gmail.com

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]