Mareykanka
oo DF ku taageeraysa la dagaalanka Argagixisada
Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 25-May-08
Dowladda Maraykanka, ayaa shaacisay in Dowladda Federalka Somalia gacan ku siin doontaan sidii loo kala furfuri lahaa Kooxaha ay Dowladda Maraykanka ugu yeerto Xag-jirayasha ee dagaalladda ka wada gudaha dalka Somalia.
Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykanka ugu qaabilsn arrimaha dalka Somalia, James Swan, ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirweyne looga hadlayey Xaalladda dalka Somalia oo lagu qabtay magaalladda Otawa ee dalka Kanada.
James Swan, waxa uu sheegay inay Dowladda Maraykanka si buuxda u taageersan tahay Wada-xaajoodka Nabada ee u dhexeeya DFKMGS iyo Kooxaha Mucaaradka ku yeesheen dalka Jabuuti, wuxuuna ku baaqay in lala dagaalamo waxa uu ugu yeero Kooxaha Xag-jirayaasha ee dagaallada ka wada gudaha dalka Somalia., inkastoo uusan faahfaahin ka bixinin Kooxaha uu ula jeedo Xag-jirayaasha.
Mas'uulkaasi waxa kaloo uu shirkaasi looga hadlayey Xaalladdaha dalka Somalia ka hor-caddeeyey inay Dowladda Maraykanka iskaashi dhow kala yeelan doonaan DFKMGS sidii Ciiddamo Nabad-ilaalin ah loogu soo diri lahaa dalka Somalia, si ay u soo celiyaan Nabadda iyo Kala-dambaynta.
Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay Dowladiisa taageero ka geysan doonto dadaalka loogu jiro Shirweynaha soo socda ee Dib-u-heshiisiinta ee dalka Somalia, wuxuuna ugu baaqay Kooxaha Mucaaradka ku ah DFKMGS inay oggolaadaan Wada-xaajoodyadda, ka hor intaysan Ciiddamadda Ethiopianka ka wada bixin gudaha dalka Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Isbahaysiga Dib-u-soo-nooleynta dalka Somalia oo ka mid ah Kooxaha Mucaaradka ku ah DFKMGS, ayaa ku adkeysanayo in Ciiddamadda Ethiopianka laga wada saaro gudaha dalka Somalia, ka hor intaysan Wax wad-xaajood Siyaasadeed la bilaabin DFKMGS.
Dabayaaqadda bishan, ayaa lagu wadaa inay DFKMGS iyo Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Somalia wareeg kale oo wada-xaajood ah ku yeeshaan dalka Jabuuti, inkastoo Hoggaanka Sare ee Isbahaysigaasi ku kala qeybsan yihiin Ka-qeybgalka Shirkaasi oo ay QM gogosheeda dhigtay.
Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)
Wararkii Hore
|
|
|
SUBACA Qur`anka (114) 
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
|