Ciidanka Itobia
oo baaritaano ka wada Hiiraan 24-kii saac ee lasoo dhaafay
B/weyne, Somaliya (Calanka.com) 25-May-08 Ciidamada Ethiopianka ee ku sugan gudaha gobolka Hiiraan ayaa 24kii saac ee ugu dambeysay waxaa ay sameeyeen howl-galo baaris ah ka dib markii maalin ka hor ay qabteen baabur ay saaranyihin waxyaabaha qarxa.
Goobaha ay saakay baarayeen ciidamada waxaa ka mid ahaa gudaha magaalada b/weyne oo aan loga baran in ay dadka ku dhax baaraan waxaana saakay la arkayay iyaga oo dadka ku baarayay buundada liqliqato.
Sidoo kale ciidamada ethiopianka ee Fariisinka ku lahaa isgooyska kala Beeyr ee Deegaanka Jawiil ee gobolkan Hiiraan ayaa saakay dhaqdhaqaaq Ciidan ka bilaabay wadada dheer ee isku xirta Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud waxaana ay talaabadaasi caqabad ku noqotay isku socodka gaadiidka isticmaalayay wadadasi.
Ciidamadan Ethiopianka ee Fariiska ku lahaa isgooyska kala beeyr ee deegaanka Jawiil ayaa saakay aroortii hore waxaa ay isku gadaameen wadadaasi walow sidoo kalana ay tageen ciidamada Deegaano badan sida tuulada Beer gadiid iyo nawaaxiga dhulka keeymaha ah ee ku teedsan deegaankasi.
Ciidamadani oo si aad ah u hubeeysan isla markaana lugeeynaya ayaan la ogeeyn wax xiligan ay dhaq dhaqaaq ciidan uga bilabeen halkaasi walow ay qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka ay ii sheegeen in howl-galka Ciidamada Ethiopianka uu ula muuqday mid ay ku sugayaan amaanka wadadasi kadib markii burcad hubeeysan oo jidgooyo dhiganaya ay soo buux dhaafiyeen wadadaasi mudooyinkii ugu dabeeyay kuwaasi oo dhib ku hayay gaadidka isaga kala goosha Gobolada dhexei.
Intii ay wadeen howlgaladan saakay Ciidamadani Ethiopian ayaa waxaa ay saameeyn ku yeelatay Gaadidka isaga kala gooshayay halkaasi waxaana ay ciidamadasi baaritaano ku sameeyna gaadiidkasi iyagoo ka barayay Hub iyo waxyaabaha qaraxa.
Arrintani ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili maamulka cusub ee gobolka hiiraan uu bilaabay howlaha maamulka iyadoo aanu jirin xil wareejintii lawa sugayay waxaana sidoo kale gobolka ka jirto abaabul ciidan o xoogbadan oo ay wadaan kooxaha ku kacsan dowlada iyo ciidamada ethiopianka kaasoo hada u muqdo kii ugu weynaa abid.
Dhanka kalana maalmihii ugu danbeeyay ayaa waxaa dhaqdhaqaaq ciidan oo badan laga dareemayay Fariisimaha ay ciidamada Ethiopianka ku leeyhiin Gobolka Hiiraan iyadoo aan la ogeeyn wax uu ku saleeysan yahay Dhaqdhaqaaqasi.