 SUBACA Qur`anka(114)
(Riix halkan)
|
|
|
Itobia & Uganda
oo lagu eedeeyay in ey hub siiyeen kooxaha ka dagaalama Somalia
Nairobi, Kenya (Calanka.com) 25-May-08
Kormeerayaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyay ciidamada nabad
ilaalinta ee Midowga Afrika ka socda ee ku sugan Muqdisho in ay hub ka
iibiyaan kooxaha kasoo horjeeda Dowlada Soomaaliya iyo Waliba Ciidamada
Itoobiya.
Kormeerayaashaan ka socda Qaramada Midoobay ayaa eedeyntaas si gooni ah
dusha uga tuuray Ciidamada Ugandha ee jooga Muqdisho, waxa ayna eedeyntaan
dabo sooctaa dagaal lagu dilay Shan qof, saddex kalena lagu dhaawacay oo
Jimcihii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Warbixinta Kormeerayaasha Qaramada Midoobay ay soo saareyn ayaa loo gudbiyay
Golaha Amaanka ee Jamciyada Qaruumaha ka dhaxeysa maalintii Khamiista aheyd,
waxa uuna warkan imaanayaa waqti Hogaamiye Shiikh xasan Daahir Aweys uu
balan qaaday in si xoog ah ay wadanka uga saarayaan Ciidamada Itoobiya
islamarkaasna ay abuurayaan Jamhuuriyad Islaami ah.
Mr Aweys waxa uu wadahadalada ay wado Qaramada Midoobay ee dhawaan ka furmay
Djabouti ku sheegay kuwo aan lagu farxidoonin ilaa Itoobiya ay ka baxdo
Soomaaliya.
"Qaramada Midoobay ma ahan Dhexdhexaad ma dooneyno wadahadalo Nabadeed oo
ay mugdi ku jiraan," ayuu yiri Shiikh Aweys.
"Qorshaheynu waxa ay tahay in aynu sii wadno halganka, waa muhiim in aan
dalkeena kasaarno Cadowga"* ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Isaga oo sii hadlaya ayuu mar kale dhahay "ma dooneyno in aan u dagaalo
dhimasho, ma dooneyno in aan dilno dhamaan Itoobiyaanka, waxa aynu
dooneynaa in aan badbaadino, waxa aynu dooneynaa inay naga tagaan."
Dagaal yahanada raacsan Mr Aweys ayaa sababta ay u dagaalamayaan ku sheegay
in ay tahay in ay doonayaan in Askarta Itoobiya oo idil ay ka baxaan
Ddalka.
Saraakiisha ku lugta Leh
Kooxda Kormeerayaasha ah ee Qaramada Midoobay ayaa yiri in hubka laga
iibiyay Dagaalyahana ay siiyeen Magaca Islaamiyiinta ay ku lugleeyihiin
Saraakiil caan ah oo ka wada tirsan Dowlada Soomaaliya, itoobiya iyo kuwo
Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.
Quburadaan waxa ay sheegeyn in hub badan oo ka yimid Ciidamada Dowlada ay
Nabad ilaaliyaasha Uuganda ka iibiyeen kooxaha kasoo horjeeda.
Ciidamada Amison ee hadda jooga Soomaaliya ayaa gaaraya 2,500 oo ka socda
Uganda iyo Burundi, taas oo ah tiro yar oo ka mid ah 8-kun oo Mmidwoga
afrika u qoondeeyay in Soomaaliya ay ka howlgalaan, iyaga oo caawinaya
Dowlada Soomaaliya.
"marka loo iigo Ganacsiga hubka, saanada ugu badan ee rasaasta taal
Suuqyada ayaa laga helay taliyaasha Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Dowlada,
kuwaas oo si rasmi ah sanduuqyo hub ah ugu diray Kooxaha kasoo horjeeda si
ay ugu dagaalamaan,"ayaa lagu yiri Warbixinta.
Kooxda Warbixintan soo saartay ayaa ku eedeeyay Wadamada Dariska la ah
Soomaaliya ee Itoobiya, Yeman iyo Eritrea in si joogta ah ay u jabiyeen
cunaqabateynta hubka ee la saaray Soomaaliya, iyada oo hubka si aan joogsi
laheyn u galiya Soomaaliya.
Sidoo kale, Maamulada Soomaaliland iyo putland ayaa ka mid ah goobaha hubka
la galiyo.
'Wadiiqooyinka Sirta'
Cadeynta qulqulka hubka dhiigu ku daatay, ayaa Warbixinta Qaramada Midoobay
lagu yiri , waxaa jira wadooyin badan oo la soo xogwareestay, iyadoo hubka
Soomaaliya uu kusoo galo qaabab kala duwan haddii ay ahaan laheyd mid kasuu
gaara Doonyo yar yar ama kuwo Gawaari looga soo gudbiyo xaduudaha.
"Ciidamada Booliska ee Soomaalida ma ahan kuso si adag uga hortagi karo
kooxhaan hubka soo galiya,inkastoo ay xaqiiqdu tahay in qaar badan oo ka mid
ah ay haleyn tababaro ku aadan arrintan."
Warbixintan waxa ay sidoo kale muujisay walaaca ku aadan in Deeqbixiyayaasha
ay ka welwelsan yihiin qaababka loo bixiyo Deeqaha la siiyo Dowlada.
"qaar ka mdi ah Deeqbixiyayaasha ayaa muujiyay ku qanacsanaan la'aan ku
aadan qaabka loo maamulo Deeqaha la siiyo Dowlada,inkastoo ay kooxaha Nabada
iyo howlaha aadanaha ka shaqeeya ee Soomaalid ay calaameeyeen in loo
isticmaalo qarashaadkaasi qalab,"ayaa lahu yiri.
Cunaqabateynta Hubka
Jamciyada Qaruumaha ka dhaxeysa ayaa Soomaaliya kusoo rogtay Cunaqabateyn
dhanka hubka ah sanadkii 1992 kadib markii wadanka ka dilaaceyn dagaalo
qaraar oo talada looga tuuray Maxamed Siyaad Barre, waxa ayna Soomaaliya
laheyd Dowlad Militry ah ilaa sanadihii 1969-1991.
Ilaa iyo 1992, kooxo Soomaali ah ayaa waxa ay ku jireen khilaaf dhexdooda
ah, taas oo ka hortagtay shaqeynta Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya la
saaray.
Golaha amaanka ayaa diiday codsi madaxweynaha Soomaaliya uga yimid ee ahaa
in la qafiifiyo Cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya saran.
Ciidamada Dowlada iyo Isbaheysigooda Itoobiya oo ay wheel u yihiin kuwo
nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ayaa bartilmaameyd cad u noqday weerarada
ay soo qaadaan kooxaha mucaaradka, taas oo sii xumeysay amaanka iyo sii
socoshada howlaha aadaninimo ee laga wado wadanka.
Ciidamada Wadareed ee Itoobiya iyo kuwo Dowlada ayaa eryay awoodii
maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ee Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka
talinayay in kabadan Lix bil, iyada oo lagu eedeeyay xariir ay la leeyihiin
Kooxaha Mareykanku ku sheego mayal adag.
Muxyadiin Axmed Rooble (Saadaat)
*Nairobi*, Kenya
E-mail:saadaam_7@hotmail.com
Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)
Wararkii Hore
|
|
|
SUBACA Qur`anka (114) 
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
|
|