Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Sheekh Shariif oo eedeeyay Eritrea


Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 25-May-08

Gudoomiyaha Ururuka Isbaheysiga Dib u xoreynta Sheekh Sahariif sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay ku eedeeyay dowladda Eritrea in ey kala jabineyso isbaheysiga uu madaxda ka yahay.

Sheekh Sariif oo dhanka kale uga mahadceliyay dowladda Eritrea marxaladihii kala duwanaa ee ey la soo martay isbaheysiga dib u xoreynta ayaa ka codsaday dowladaasi in ey dib uga fiirsadaan habdhaqanka mudooyinkan danbe ey lasoo baxday dowladda Eritrea oo lagu kala dhantaalayo isbaheysiga.

Sheekha ayaa sheegay in isbaheysiga oo bur-bura eysan dowladda Eritrea dan ugu jirin islamarkaana iyaga ka Somali ahaana eysan sidoo kale dan ugu jirin.

"Shacabka Soomaaliyed waxaa ka raali gelinayaa dhawaaqa xun ee dhagahooda ku dhacaayey beryahan ee ka imaanaayey Isbaheysiga, waaa hadalo aan munaasib aheyn, oo aan lagu farxi karin, waxaana balan qaadeeynaa oo ku dadaaleeynaa inaan xalino wixii khilaaf ah ee jiro", ayuu yiri sheekha mar uu ka hadlayay hadlo kasoo yeeray qaar ka mid ah isbaheysigiisa.

Si kastaba ha ahaateen shir jaraa`idka uu saakay barqadii qabtay Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaya xilli uu isbaheysigaasi u muuqdo in uu labo u kala jabay oo ey mudooyinkan danbe dhanka warbaahinta isu marinayeen hadalo kul-kul.

Gudoomiyaha isbaheysiga iyo ku xigeenkiisa ayaa iminka ku sugan Jabuuti, halkaasna uga socdaa kulamo ey la leeyihiin beesha caalamka, waxa eyna sheegeen in qaab wadahadal ey sidoo kale uga saarayaan ciidamada Itobia dalka Somaliya islamarkaana ey eegayaan danaha umadda Somaliyeed ee dhibaatada ku jira.

Shirkan ka furmay Jabuuti ayaa waxaa qaadacay dowladda Eritrea iyo qaar ka tirsan isbaheysiga dib u xoreysnta uuna horkacayo Sheekh Xasan Daahir Uweys.


Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]