Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Thabo Mbeki oo loogu baaqay in uu is casilo


Qahira, Masar (Calanka.com) 25-May-08

Jariidada ugu weyn Africa ee lagu magacaabo Sunday Times ee kasoo baxda dalkaasi South Africa ayaa faaladeeda maanta (Axad) si aad ah qalinka ugu xariiqday inuu xilka isaga madaxweynaha dalka Koonfurta Africa isaga dago Mr Thebo Mbeki.

Madaxweynaha S/Afrika ayey jariiradu ku sheegtay in uu ku guuldareystay inuu xukumo qaranka kadib markii si isdabajoog ah weeraro loogu qaaday muhaajiriinta Ku nool dalkaasi South Africa iyadoo tan iyo intii ay bilaawdeed falalkaas lagu beegsanayo ajaanibta ay ku nafwaayeen dad gaaraaya 50 qofood ayna Barakaceen in ka badan 20 kun oo qof, iyadoo qaarkood lagu ilaalinayo Xerooyin ku yaalo dalkaas.

Eedeyntaan loo jeediyay Madaxweye Mbeki ayuu wargeysku sheegay inuusan wax ciidamo oo ka hortaga rabshadaha u daabulin goobaha dadka lagu gubayo ilaa intii laga gaarayaya 21-ka May, waxeyna sheegtay jaraadidu inuu isaga maqnaa dalka halka laga doonayay inuu wax ka qabto masiibadan loo geysanayo dadka ajaanibka ah oo wadankaasi qaarkood siiyay magangelyo.

Wargeyska oo ka hadlaayay arintan ka taagan South Africa ayaa xusay in xaaladan halista ah ee ka taagan qaranka da'da yar ee Koonfurta Africa inay u keeni doonto mugdi iyo sharafdaro, waxaana ayaan dara ah ayay jariiradu tiri in South Africa oo la filayay inay ka xoreen midab kala sooca uu maanta ka bilawdo isir sifeyn sidaas darteed madaxweyne Mbeki uu iska casilaa jagada madaxtinimada iyadoo wargeysku uu hoosta ka xariiqay in Thabo Mbeki uu yahay nin aan dhag jalaq u siin arimaas.

Madaxweyne Mbeki ayaa talada dalkaasi qabtay 1999 kadib markii uu madaxweynihii usoo halgamay dalkasi Nelson Mandela ka dagay madaxnimada 5 sano uu si xor ah uu maamulayay kadib waxaana xisbiga ANC lagu yaqaanaa hogaamiyeyaal aad u wanaagsan sida Jacob Zuma oo Soomaalida dalkaasi la qaatay kulan una sheegay in wax laga qaban doono dhibaatooyinkan haysta dadka ay ka midka yihiin Soomaalida, wuxuuna intaa raaciyay in Koonfur Africa hilmaami doonin halgankii lagula dagaalayay Cadaanka ee Soomaalida kaaalin libaax leh ka qaadatay.

Abdul Arts
webmaster@muuqaal.com

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]