Gudoomiyaha Isbaheysiga ayaa sheegay in umaddi Somaliyeed la galiyay khal-khal kaasoo ey abuureen isla xubno ka tirsan Ururka Dib U Xoreynta eyna sidoo kale dhinacooda ka wadaan khal-khalkaas dowladda Eritrea.
Sheekh Shariif oo sheegay in ey marnaba diyaar u aheyn in ey ka abaal dhacaan shacabka reer Eritrea ayaa hadana sheegay in qadiyadii Somaliyeed ey u baahaneyso in meel walba oo culeys uga yimaado loo istaago taasina uu sheegay in ey tahay masuuliyadooda.
Masuulkan ayaa sheegay in arinka ey wadaan ee xalka Somaliya iyo tan dib u heshiisiinta oo aan wali laga dhursugin ey bilaabeen xubno ka tirsan isbaheysiga in ey daacaayado abuuraan islamarkaana ey u turjumeen habab aan wanaagsaneyn.
Shariifka ayaa markale dhaliil u jeediyay dowladda Eritrea, wuxuuna ku dhaliilay in ey faragalin ku hayso arimaha Isbaheysiga faragalintaasoo weecisa arimaha isbaheysiga.
Mar wax laga weydiiyay in xilalka ey hayaan laga qaado hadii shirar ey qabsadaan xubnaha ka tirsan isbaheysiga ee fadhigoodu yahay Eritrea ayaa sheegay in xubnaha ku haray Asmara marka la badiyo ey gaarayaan 14-xubnood islamarkaana 14-qof eysan cidna xill ka qaadi karin.
Si kastaba ha ahaatee hadalka sheekh Shariif ayaa u muuqda mid si weyn shaaca uga qaaday heerka khilaafka isbaheysigaasi uu gaarsiisanyahay, waxaana kaga bogan kartaa wareysgaas oo dhameystiran qeybta maqalka eh ee kore.