Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Weerar lagu qaaday fariisin ey lahaayeen ciidanka Uganda ee KM-4


Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 27-May-08

Waxaa weerar hubeysan lagu qaaday xalay fariisin ey ku lahaayeen KM-4 (lambar afar) ciidamada nabad ilaalinta Amisom ee Uganda, kaasoo ey ku dhinteen inta la sheegay 13-ruux.

Weerarkan oo ey soo qaadeen kooxda Al-shabaab uuna qiray afhayeenkooda Sheekh Roobow ayaanan wax khasaare ah loogu geysan ciidankii lasoo weeraray ee Uganda sida uu sheegay afhayeenka ciidamadaasi Baridgye Bahuko.

Baridgye Bahuko ayaa sheegay in ey ka dileen kooxihii weerarka soo qaaday ee Al-shabaab 2-nin halka 11-kii kale ee ku dhimatay iska hor imaadkaasi lagu sheegay in ey ahaayeen dad rayid ah.

Dhanka Al-shabaab ayaa iyana afhayeenkoodu sheegay in ey weerarkaasi iyagu ka danbeeyeen islamarkaana ey ku jabiyeen ciidamada Uganda, balse waxa uu ka gaabsaday sqasaaraha soo gaaray dhankooda.

Dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa noqonayaa kii ugu cuslaa ee ey isku farasaaraan ciidamada nabad-ilaalinta Amisom iyo kooxda Al-shabaab.


Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]