Lacag tii iigu
qiimaha badneyd
Sanca, Yemen (Calanka.com) 27-May-08
Goortu waxaa ay ahayd horraantii 70-meeyadii,markaas oo aan ka mid ahaa Ardada Dugsigii "Allah" ee agagaarka Xaruntii "Radio Mogadisho"; waxaana aan Dugsiga uga imaan jiray oo aan degganaa Xaafadda Madiina ee koonfurta Muqdisha.
Waayadaas xaafaddu waa ay cusbayd, Gaadiidkeedana ciriiri ayaa lagu helayay;waxaase jiray Basas dhowr ahaa oo lagu raaci jiray nus-shilin/qofkiiba,kuwaas oo u kala gooshi jiray Madiina ilaa Ceel-gaab.
Markii aan Subaxyadii aadayo dugsiga, waxaan sii raaci jiray Gaari"LG" ahaa(Madoobe-dheere), oo joogta u shaqo-gayn jiray Booliskii reer Madiina ee ka shaqaynayay Xerada Gaadiidka Booliska ee agagaarka Xarunta "Fiat"; laakin markii aan duhuryadii ka soo rawaxayo Dugsiga, waxaan Ceel-gaab ka soo raaci jiray Basaska kirada ah.
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaan markii aan aroortii isu diyaariyay aadista Dugsiga, ay hooyaday(Allaha u naxariistee) ii sheegtay:-In ayan Aqalkaba oollin wax lacag ah, ayanna ii heli karayn xitaa nus-shilin oo aan soo noqodka ku soo raaco Bas.
Waxay hooyaday igula talisay: in aan maalintaas ka baaqdo aadista Dugsiga, iskana joogo Aqalka.
Waxaan ugu jawaabay: in aanan baaqanayn oo iska tawakalayo "Allah",aadayana Dugsiga. Wuxuu ku tala-galkaygu ahaa in aan soo-noqodka nus-shilin ka soo amaahdo Arday aannu saaxiib ahayn, oo ka soo jeeday reer ladan. Waxay hooyaday igu sagootisay oo igu tiri:- "Iska-bax hee Igaarkey,garabkaagana Allaha galo"...!!
Gaarigii Booliska ayaan la soo raacay Askarta, waxaana aan sidii caadada ii ahayd kaga degay agagaarka Buundada Dhagaxtuur, waxaana aan u sii tallaabay dhanka Taalladii Dhagax-tuur(Maxamed Soomaali). Laakin, markii aan sii dhex-marayay Suuqa,Biibitooyinka hortood ayaa waxaan dhulka ku arkay Lacago waraaqo ah oo aan tira yarayn.
Hareerahayga ayaan eegay, waxaana aan xaqiiqsaday in ayan cidina meesha socon,ka dhoweyn, ina arkayn. Aroor hore ayayna ahayd.
Lacagtii, maca-carradii ayaan si xiisa leh u wada cantoobsaday oo ugu ritay jeebka, aniga oo aan eegin tiradeeda; waana aan iska sii socday.
Markii aan dhex-istaagay Beertii nasashada ee Dhagaxtuur, ayaan jeebka ka soo saaray Lacagtii oo tiriyay. Farxad ayaan dhulka la dhici gaaray, oo lacagtii ayaa noqotay mid aad uga badnayd intii aan filayay.
Waxay lacagtu noqotay mid ku filnaatay:Arrad-baxayga isla markaasna raashinkii iyo cunnadii guriga dhalan-rogtay oo ka dhigtay mid ay xitaa derisyadu dareemaan,udgoonkii ka soo baxayayna ku muufo-cuneen. Diinteenna ayaa na bartay:- "In Ruuxii Allah iska tawakalo, uu Eebbe ka quudinayo meel uusan wax ka filayn".
Muxyadiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)
Wararkii Hore
|
|
|
SUBACA Qur`anka (114) 
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
|