Ciidamada Itobia
oo dad iyo hub ka qab-qabtay B/weyne
B/weyne, Somaliya (Calanka.com) 29-May-08 Ciidamada ethiopiahnka ee ku sugan gudaha magaalada b/weyne ayaa xalay howl-galo ay ka sameeyay xaafada howl-wadaag waxaa ay ku jibiyeen ilaa 3 dukaan oo ay kala baxeyn hub iyo ragii waardiyeeynayay arrintini oo dadku nool magaalada cabsi iyo wal wal ku beertay.
Ilaa 3 nin oo ilaalo ka ahayd goobaha ganacsi oo ay baarista ku sameeyeen xalay ciidamada ethiopia ayaa la rumeysanyahay in ay gacanta ku hayaan waxaana la xaqiijiyay in hubka ay ka qaateen goobahaasi ay ahaayeen nuucyadiisa shikshod ama hoobiyaha ganacta lagu qaato iyo qoryo gacmeydka K47 iyo rasaas badan.
Ganacsatadii iska lahayd goobaha xalay ay ciidamada ethiopianka jibiyeen ayaa waxaa ay sheegeen in hubka lagala baxay goobahooda ay ahaayeen hubkii lagu waardiyeeynayay goobaha ganacsiga halka raga la qabtayna ay ku tilmaameen ilaalayaasha goobaha ganacsi waxayna ka codsadeen maamulka gobolka iyo saraakiisha Ethiopianka in ay sii daayaan raga hubkana ay dib u soo celiyaan.
Ganacsatadu waxaa ay intaasi ku dareen in maanta cid kafaalo qaadi kartaa aysan jirin hantidooda sidaasi oo ay tahay ayaan u sameysanay rag inoo waardiyeeyo ganacsigeena .
Haseyeeshee ma muuqado dadaal lagu sii daaynayo raga iyo hubka ay xalay kala baxeyn baqaaro iyo dukaamo ku yaalo xaafada howl-wadaag ee magaalada B/weyne.
Ciidamada ethiopianka ayaa waxaa ay si weyn u soo buux dhaafsheen saakay gudaha magaalada b/weyne iyaga oo aad u hubeysan waxayna wadeen baaritaano ay ku galayaan xaafadaha iyo goobaha ay ka shakiyaan ee ganacsiga.
Arrimaha ayaa waxaa ay ku soo aadanayaa xili cabsi laga qabo in xoogaga ka soo horjeedo dowlada ay weerar ku soo qaadan fariisimada ethiopianka ay ku leeyihiin gudaha gobolka Hiiraan .