Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Sheekh Shariif iyo wafdigiisa oo lagu soo dhaweeyay Yemen


Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 29-May-08

Wafdi uu hogaaminayo godoomiyaha ururuka dib u xureenta Somalia sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa madax ka tirsan xukuumadda Yemen si weyn ugu soo dhaweeyeen magaalada Sanca kadib markii maalinimadii shalay ey halkaasi gaareen.

Wafdiga shariifka ayaa waxaa soo dhaweeyay mas`uuliyiin ka tirsan xukuumada Yemen oo uu ugu horeeyo wasiirka arimaha dibada ee dalkaasi, waxaana wararka qaana ey sheegayaan in kulan la qaateen madaxweynaha dalkaasi Cali C/dalla Saalax.

Wafdiga shariifka ayaa waxaa uu ka koobanyahay wafdi heer caalami ah oo ay kamid yihihin guddoomiyaha golaha dhaxe ee isbaheysiga dib xoreynta Somaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, Xogayaha Warfaafinta ee Isbaheysigaas Axmed C/laahi iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Axmed Bile C/Raxmaan Ibi, Saleemaan Colaad Rooble.

Waxaa dalka Yemen horay ugu sugnaa xogayaha arimaha dibadda ee isbaheysiga dib u xoreynta Prof. Ibraahim Xasan Cadow.

Wafdigaan ayaa la sheegay in ay casuumaad ka heleen Dowlada Yemen, waxa eyna ku sugnaan doonaan dalka Yemen mudo laba cesho ah sida aan wararka ku heleeyno.

Maalmahan ayaa waxaa jiray qilaaf xoogan oo u dhexeeyay mas`uuliyiinta ugu sarsareysa ee ururkaasi iydoo warar soo baxayana ay sheegayaan in Shariifka xilkii laga qaaday.

C/laahi Xasan Baliil
Baliilkhan10@hotmail.com

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]