Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Waayaha Cusub oo Nairobi ka bilaabay qeybinta album-kooda cusub


Nairobi, Kenya (Calanka.com) 29-May-08

Isu soo bax aad u balaaran oo Maanta ka dhacday afka hore ee Xarunta Dhalinta Fanaaniinta Waayaha Cusub ayaa Maanta waxaa lagu qeybiyey Sida ay horey u shaaciyeen Album guud ahaantiisa ka hadlaya Xaalada Dalka Somalia uu marayo,kaasi oo lagu magac darey Dhalinyaro.

Guddoomiyaha Kooxda Dhalinta Fanaaniinta Waayaha Cusub ahna Abwaanka alifey isla markaana Laxanka saarey dhamaan heesaha ku jira Albumkan ayaa waxaa uu Warbaahinta u sheegay mar uu kula hadlayey Meesha lagu qeybinayey Albumkan inay uga dan leeyihiin sidii ay Somalida ugu wacyigelin lahaayeen Nabada iyo Horumarka Dalka Somalia sidii lagu heli lahaa isla markaana looga gudbi lahaa Dagaallada Sokeeye ee dalka weli ka jira.


Dadweyne aad u fara badan ayaa lagu arkayey iyagoo safaf dhaareer ugu jira sidii ay u qaadan lahaayeen Albumkaasi Lacag la'aanta ah isla markaana Wacyigelinta u ah,iyaddoo qaarka mid ah dadweynahaasi warbaahinta u sheegay inay tahay Markii ugu horeeysay oo Album Lacag la'aan ah isla markaana Wadanka Somalia kuwada saabsan la siiyo,Taasi oo ay ku tilmaameen inay guul u tahay Dadweynaha Somaliyeed iyo Waayaha Cusub oo Fanka Maanta ugu horeeya.

Heesaha Albumkan ku jira ayaa Waxaa ay yihiin kuwa gabi'ahaanba ka turjumaya Xaalka Somalia,Waxaana Albumkan soo saaristiisa isla garab galay Dhalinta Fanaaniinta Waayaha Cusub iyo Safaaradda Mareykanka u qaabilsan Dalka Somalia gaar ahaan Qeybteeda arimaha Bulshada,mana ahan Album Kenya oo kaliya lagu qeybinayo ee waa mid Somalida meelkasta oo ay joogta lagu gaarsiin doono ayuu Saxaafada u sheegay Al-Fanaan Moha oo Maanta ka mid ahaa Fanaaniintii Albumkaasi qeybineysay.


Al-Fanaan Moha ayaa sidoo kale sheegay in qeybinta Albumkan socon doonto Todoba Cisho oo isku xigta,Maadaama uu yahay mid loogu talagalay in Qof Waliba oo somaliyeed uu helo,Mar uu ka hadlayey tirada ay Kenya ku bixinayaan Waxaa uu sheegay in ugu yaraan "Sodan Kun oo Cajalado isugu jira DVD,CD,VCD iyo Cajalka yar ee Radio ha loo isticmaalo" oo wada Oroginal ah ay ku qeybin doonaan Kenya.

Dhinaca kale Fanaanada Caanka ah ee Xidigta u ah Albumkan Waayaha Cusub ee la yiraahdo Falis Cabdi Maxamuud"Ileyskii Fanka" oo iyadana ka mid aheyd Fanaaniinta Albumkaasi dadweynaha gacantooda ku siinayey ayaa sheegtay inay Maanta dareemeyso Farxad aad u weyn Maadaama bay tiri ay ii tahay Markii ugu horeysay aan Album Gacanteyda ku gudoonsiinayo Taageerayaasha Waayaha Cusub,Kaasi oo hadana ka hadlaya Xaalada Dhabta ah ee Somalia.


Dadweynaha oo kaliya ma aheyn Waxa la siinayey Albumkaasi ee Waxaa sidoo kale Halkaasi lagu arkayey Wariyayaal ka socda Qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Somalia kuwaasi oo Shirkadaha ay ka socdaan u qaadayey Albumkaasi cusub si ay ugu soo daayaan Taageerayaasha iyagana ku xiran,Waxaana Muuqata in Albumkan uu Dhinaca Warbaahinta ka helay yididiilo aan yareyn,taasi oo cadaan u ah sida ay Warbaahinta ka jirta Kenya ilaa iyo Hada u hadal hayaan Qeybintiisa iyo Ogeysiska ay Dadweynaha ku wargelinayaan inay tagaan meelaha lagu bixinayo Albumkaasi.

Ugu danbeyntii Waxaa uu noqonayaa Albumkan kii ugu horeeyey oo si lacag la'aan ah lagu siinayo Somalida,waxaana mida intaasi u sii dheer uu yahay Albumkan oo guud ahaan Heesaha ku jira ay yihiin Wadani oo aan laheyn Wax jaceyl ah,Taasi oo ka dhigeysa mid ay Somalida si weyn ugu hanqaltaagayaan,Laakiin Waxaa Maalmaha soo socda la sugayaa Munaasabad Balaaran oo ka dhici doonta Hotelka Barakaat oo ku saabsan soo bandhigida Albumkan oo ay si wada jir ah uga soo qeyb geli doonaan Madaxda Dowlada Mareykanka iyo Waayaha Cusub.


Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]