"Jaceyl waa
kan oo kale"
Sanca, Yemen (Calanka.com) 30-May-08
Jacayl waa kan oo kale....!!
(Qaybtii 11-aad)...Mahdi iyo Muna waxaa ay ku ballameen,kuna soo faataxeysteen: in arrinka ay ku heshiiyeen iyo talada ay goosteen ay noqoto mid aad qarsoodi u ah (Sir culus), oo aanan cidna loo sheegayn. Si loo dhaqan-geliyo qarsoodi-ahaanshahaasna, waxay qalinka ku wada duugeen: in ayan isa soo raadin, soo wada xiriirin,ayse dusha sare un ka wada socdaan, iyaga oo u dhaqmaya sidii dad aanan is-aqoon oo shaqo isku lahayn oo kale.
Tani waxay keenaysaa in laga badbaado: -Warxuma-tashiillada, Isku-dirayaasha, Kala-geeyayaasha iyo dhagarta Baas-qabayaasha oo dhan; waayo waxaa la yiri:-"Af daboolan waa dahab", Abwaanka Soomaaliyeedna waxaa uu yiri:-"Hadal wuxuu amaan yahay inta aadan oran;Afka hadduu ka soo baxo, adigu ma arrimisid".
Waaya-aragnimadu waxaa ay muujinaysaa: in Qoysas fara badan oo Soomaaliyeed; kuwa tira badan oo uu Kal-gacal u dhaxeeyay iyo saaxiibbo aan tira yarayn oo Xiriir heer sare ah lahaa , ay dhammaantood eersadeen, afkana ugu dhaceen dabinta duulalka dadka isku dira ee "Namiimada" kula dhex-wareega,ka-gadaal markii ay Sir fakatay...!!.
Dhowr Casho ka-dibba,Muna waxaa ay la xiriirtay Ina-adeerradeedii dibadaha dalka joogay, iyada oo u sheeganaysa:-In ay tahay "Garoob", lagu soo furay tiro Caruur ah oo yar-yar(Isuma-qaddo), uuna ku-tala-galkeedu yahay in ay bilowdo Ganacsi, si ay ugu noolaato nolol sharaf leh, u korsato Caruurteeda, una caawiso Waalidiinteeda Waayeellada ah.
Lacago fiican ayaa meelo kala geddisan looga soo xawilay, Ganacsi lixaad leh ayayna ku tallaabsatay,Nolol ahaanna waa ay isku luga-duwatay. Iyada oo dhan kalena dusha sare un kala socotay xaaladaha Mahdi.
Mahdi Afkiisuu iska qabsaday; Reerkiisuu iska dhaqanayay, Horumar lixaad lehna waxaa uu ka samaynayay xagga Shaqooyinkiisii Dawladda. Sidii ay ballantu ahaydna Afkaba uma uu kala qaadin Muna, mana uu raadin.
Sida la filan karayo, Rag aanan tira-yarayn, ayaa soo hunguriyeeyay, una soo tafa-xeytay gacan ku-dhigidda Muna. Goobo kala geddisan ayay raggu uga faalloodeen, iyaga oo lahaa:-"Waa Ina-Sheekh,Qoys wanaagsan ka soo jeedda,Waaya-arag ah, Qurux muuqata iyo mid qarsoonna isku darsatay, haddana heysata oo urursatay Beeso badan"...!!.
Dhammaan raggii uu damacu soo dhaqaajiyay, Dhufeys adag ayay ka gashay Muna, oo Gaashaanka ayay isaga dhigtay; taasna waxayba keentay in ay qaarkood ku magacaabaan "Nimeey".
Kuwaa qaab kaftan-dhabla ah uga hor-dhihi jiray "Munaay adiga, xididkii rabitaanka ragga ayaad ka curyaantay"...!!. Waa ay iska dhoolla-cadayn jirtay, xaqiiqdeeduse waxay ahayd:-"Ruux ay meeli u caddahay meeli ka madow".
Mahdi ma uusan illowsanayn Muna, laakinse waxaa jiray Warar aanan la xaqiijin, oo sheegayay: inuu meelihiisaas iska qudba-sireedsanayay, soona laba-canleeyay Xusullo-baruuro Beeso ku wada fadhiya oo dhowr ahaa..!!.
Iyada oo ay xaaladdu sidaas isaga socoto,labada dhanna , ay arrintu tahay "Shax-shax", ayaa waxaa dhacay Burburkii dalka; Dagaalkii sokeeye ee Wejiga-qabyaaladeed iyo is-ugaarsigii xaq-darrada iyo ayaan-darradaba lahaa ayaa ka qarxay gudaha Caasimadda dalka ee Muqdisha. Waxaa bilowday in loo kala qaxo Bari, Galbeed ,Woqooyi iyo Koonfurba, oo aanan la is-dhihinba xaggee ayay heblaayo ku dambaysey iyo meeshee ayuu ku sugan yahay Hebel.
Akhriso Qeybta 1-aad
Akhriso Qeybta 2-aad
Akhriso Qeybta 3-aad
Akhriso Qeybta 4-aad
Akhriso Qeybta 5-aad
Akhriso Qeybta 6-aad
Akhriso Qeybta 7-aad
Akhriso Qeybta 8-aad
Akhriso Qeybta 9-aad
Akhriso Qeybta 10-aad
La soco qaybta 12-aad!
Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)
Wararkii Hore
|
|
|
SUBACA Qur`anka (114) 
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
|