Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Jaamacada Carabta oo beenisay in arinta Somaliya ey ka jensatay


Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 30-May-08

Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Caamir Muusa, ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu maanta siiyey Website-ka Ilaaf.com ee laga leeyahay dalka Masar, wuxuuna gaahaanka ku dhuftay Eedeymaha lagu sheegay inuu Ururka Jaamacadda Carabta iska illaabeen wax-ka-qabashadda xiisadaha ka aloosan dalka Somalia, oo ay culayska saareen Xiisadihii Siyaasadeed ee ka taagnaa dalka Lubnaan.

Hadalkaasi, ayaa u muuqda mid jawaab-celin u ah hadalkii uu Sheekh Xasan Daahjir Aweys oo xubin ka ah Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Somalia ku sheegay inay Ururka Jaamacadda Carabta iska illaabeen arrimaha dalka Somalia, oo ay ku mashquuleen Arrimaha dalka Lubnaan.

Caamir Muusa, waxa uu sheegay inay jiraan Wafdi ka socday Ururka Jaamacadda Carabta oo si ficil leh dadaal ugu jira sidii wax looga qaban lahaa arrimaha dalka Somalia, wuxuuna xusay in labadii bilood ee ugu dambeysay ay socdeen dhaqdhaqaaqyo ay Jaamacadda Carabta ka dhex waday Kooxaha Siyaasadda ee dalka Somalia.

Isagoo arrintaasi sii ambaqaadayo, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay Guddiga Ururka Jaamacadda Carabta ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia kulan gaar ah ka yeelan doonaan xaalladda Somalia, kaasi oo lagu wado inay ku lafa-guraan horumarka laga gaaray dadaalladda Diplomaasiyadeed ee haatan laga dhex wado DFKMGS iyo Isbahaysiga Dib-u-xorreynta dalka Somalia.

Dhinaca kale, Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa lagu wadaa inay berrito soo gaaraan dalka Jabuuti, si ay uga qeyb-galaan Wareegga Labaad ee Wada-xaajoodka ay QM u qabanaabisay DFKMGS iyo Isbhaysiga Dib-u-xorreynta ee dalka Somalia, kaasi oo lagu wado inuu bishan 31-da furmo.


Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]