Naag YUHUUD ah oo safiir u noqotay dal carbeed, Baxreyn
Damascus, Siriya (Calanka.com) 05-Juun-08
Boqorka dalka Bahrain Sheekh Hamad Bin-Ciisa ayaa ku dhawaaqay arin ka yaabisay Wadamada Carabta,kadib markii uu Haweeney Yahuudiyad ah (Jewish)u magacaabay safiirka Boqortooyada Bahrain u fadhida magaalada Washington ee dalka Mareykanka.
Haweeneydan ayaa noqoneysa Yahuudiyadii ugu horeysay ee wadan Carbeed loo magacaabo mansabkan oo kale,waxaana arintan si weyn oogu riyaaqay Dawlada Israel iyo Wadamada Reer Galbeedka,halka ay caro ka muujiyeen Dawladaha Carabta qaarkood.
Ambassador Huda Nuunu waxay meteshaa Jaaliyada Yuhuuda ee ku dhaqan dalka Bahrain oo tiradooda lagu qiyaaso 43-qofood,waxayna ka mid tahay 10 Xildhibaan oo metela codadka haweenka dalka Bahrain.
Mrs. Nuunu oo la hadleysay saxaafada ayaa sheegtay in xilkan loo magaacabay aanay wax xiriir ah la laheyn diinteeda,balse waxay ku faantay inay meteleyso dalkeeda Bahrain.
Wargeysyada Carabta qaarkood oo wax ka qoray magaacibada Haweeneydan Yuhuuda ah ayaa ku tilmaamay in Boqorka Bahrain Hamad Bin-Ciisa uu ku fududaaday magaacibada Haweeneydan Yuhuuda,waxayna ku tilmaameen sababta uu go,aanka u qaatay inay tahay isagoo ilaashanaya danaha uu ka leeyahay Dawlada Mareykanka.
Xuseen Yaasiin Godo-Godo
TiiboTalyaani@live.com
Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)
Wararkii Hore
|
|
|
SUBACA Qur`anka (114) 
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
|