Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Boqorka Sucuudiga oo ka digay cadowga xagjirka ah ee Islaamka ku dhex jira


London, UK (Calanka.com) 05-Juun-08

King Cabdullah oo ah boqorka dalka Sucuudiga ayaa ka digay waxa uu ugu yeeray cadowga xagjirka ah ee Islaamka ku dhex jira kuwaasoo wadamada Islaamka uu ku sheegay in ey dhibaato kaga soo fool leedahay.

Boqorka ayaa hadalkan ka sheegay shirweyne soconaya mudo sadex casho ah oo ka dhacaya magaalada Makka Al-mukarama ee dalkaasi Sucuudiga eyna kasoo qeyb galeen boqolaal ergooyin muslimiin ah.

Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay waan-waan dhex marta mustaqbalka dhow diimaha kala duwan ee aduunka ka jira, waxaana sidoo kale looga hadlay habka loo wajahayo ku dhaqaaqida waanwaantan.

Boqorka ayaa sheegay in xag-jirku ka faa`iideysanayo dulqaadka islaamka lagu yaqaan.

Wadanka Sucuudiga ayaa ah dalka ey ku nool yihiin dadka ugu badan ee Sunida ah, waxaana dowladda dalkaasi ey dagaal dhinacwalba ah kula jirtaa xag-jirka iyo ururada argagixisada sida Al-Qacida oo ey dhowrjeeg dagaalo kula galeen gudaha dalka Sucudiga.

Waa markii ugu horeysay oo boqor ka taliya dalka Sucuudiga uu hadal ceynkan oo kale ah kasoo yeero tan iyo inta taariikha la xusuusto.


Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]