"Jaceyl waa
kan oo kale"
Sanca, Yemen (Calanka.com) 06-Juun-08
Jacayl waa kan oo kale..!! (Qaybta 12-aad)... Xaaladdii dagaalka ee Muqdisha ayaa waxay noqotay mid reer Sheekh-Maygaag oo dhan ku qasbaysay in ay deg-deg uga baxaan magaalada. Dahab, Lacago iyo Firaashyo kooban iyaga oo wata ayay si ku meel-gaar ah ugu qaxeen xagga Magaalada Marka, markii dambe ee ay arrintu sii cakirantayna, waxay u gudbeen Kismaayo, dabadeedna waxay u sii tallaabeen, kana mid noqdeen Qaxootiyada Soomaaliyed ee Xerooyinka dalka Kenya.
Muna marnaba fursad uma ay helin xiriirinta iyo baadi-goobka Mahdi iyo guud ahaan reer Xaaji-Muuse; kuwaas oo iyagu iskala sii qabay Soomaalida kale wixii dhac, boob, kufsi iyo xad-gudubyo la isu geysanayay.
Waxaa go'ay waddo iyo hab kasta oo ay ku wada socon lahaayeen ama ugu yaraan isaga war-qabi lahaayeen Mahdi iyo Muna.
Wuxuu Mahdi si balaf ah(aan sugnayn) uu ku maqlay in ay Muna iyo Caruurteedu ay qaab "Is-xumbaar ah" ugu socdaaleen mid ka mid ah Waddammada Reer Galbeedka; halkaas oo ay Qaxooti ku noqdeen,kuna dambeeyeen.
Mahdi dhowr bilood ayuu ku sii dambeeyay Muqdisha ilaa Afgooye; markii dambana wuxuu nafta ula cararay xagga mid ka mid ah Waddammada Carbeed ee Gobolka ku yaalla, halkaas oo uu ku sugnaaday.Marar dhowr ah ayuu isku deyay inuu dhanka Yurub u socdaalo, hase ahaatee Allah ma aqbalin,"roonaase Rabbaa og".
Ma jiro wax xiriir ah oo inta la og-yahay hadda ka dhexeeya Mahdi iyo Muna. Midkoodna war buuxa kama hayo Xaaladda kan kale; waxaase xaqiiqa nool ah: inuu Mahdina uu noqday "Awoowe" ku sii socda "Abuulannimo", Munana ay noqotay "Ayeeyo", u sii siqaysa xagga "Abootannimada".
Waxaa la is-weydiin karayaa: haddii -ninkii nool- ay dalkii hooyo(Somalia) ka hana-qaaddo nabad buuxda, dibna loo noqdo, ama ay Mahdi iyo Muna ku kulmaan oo Allah uu isaga hor-keeno dal saddexaad; tolow maxay isu sheegayaan ...?!!.
Ma dhici karaysaa, bacdamaa uu jiray "Jacayl loo dhan yahay", in iyaga oo 70 ama 80-jirro ah ay ku fekeraan in ay is-mehersadaan..?!!-waase haddii ayan markaas Muna Oday kale xariggiis ahayne -?
Muxuuse anfacayaa ama soo kordhinayaa is-mehersiga ku dhaca da'daas oo kale..?!!; Nafta oo lagu samirsiiyo iyo weyso isku-dhowrasho mooyaane ..?!!. Wax badanse waxay ku xirnaan doonaan,hadba sidii uu Muna Allah uga samata-bixiyo Badweynta dhaqannada laga deyriyay ee dhalan-rogay kuwa aad u tira badan ee Ragga iyo Haweenka Soomaaliyeed ah ee ku sugan Dalalka reer Galbeedka ah.
Ma laga yaabaa in ay Muna iyo Mahdi is-yiraahdaan:- "Kollay waa la hubaa in aydaan ubad da'daan isugu dhalaynine, aynu mar un isu-dhaxno oo wada aqal-galno,iyada oo la fulinayo ballantii jirtay waagii dhallinyaranimada"..."Mar un ha is-dhaaf-dhaafeen neefta ka soo kala baxaysa labada San..?!!".
Waxaa iyana in la xuso lagama-maarmaan iigu muuqanaysa:- In dagaalkii sokeeye ee dalka, uusan geysan oo kaliya: dhimasho,dhaawac,is-dhicid,barakac, burbur, xaaluf, nabaad-guur iwm. balse uu kala geeyay "Gacal" kumaan-kun ah,isla markaasna uu Afka ciidda u daray,haadaanna ka tuuray "Himiladii" Soomaali aanan tira-yarayn..
Waxaa loo baahan yahay Ogaanshaha, ku-baraaruga iyo ku camal-falka mabda'a Walaaltinimada ma-guuraanka ah ee dadka Soomaaliyeed iyo weliba lama huraannimada: in la is-xaq-dhowro, la is-tixgeliyo, Nabadna lagu wada-jiro; si Caqli,Cilmi,Xikmad iyo Soomaalinimo ahna dib loogu soo celiyo Qarannimadii burburtay iyo midnimadii Soomaaliyeed.
-Dh a m m a a d -
Akhriso Qeybta 1-aad
Akhriso Qeybta 2-aad
Akhriso Qeybta 3-aad
Akhriso Qeybta 4-aad
Akhriso Qeybta 5-aad
Akhriso Qeybta 6-aad
Akhriso Qeybta 7-aad
Akhriso Qeybta 8-aad
Akhriso Qeybta 9-aad
Akhriso Qeybta 10-aad
Akhriso Qeybta 11-aad
WQ/-Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.
Xafiiska Calanka.com Ee Dibadda (Scandinavia)
Wararkii Hore
|
|
|
SUBACA Qur`anka (114) 
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
|