Calanka.com -"Yaa Yiri Maya" ...U Adeegaha Shacabka
Ka Dhigo Calanka Bogga Hore! ---------------- Heesta Maanta: - Wacad (Ubax Daahir)
Gabar carab ah oo ka taajirtay bidaar gashay


Cape-Town, S/Afrika (Calanka.com) 06-Juun-08

Ardayad Sacuudiyaan ah oo wax ka barata jaamacad ku taal dalka Jarmalka ayaa aduun gaaraya nus malyuun doolar ku heshay hab magdhaw ah kadib markii ey bidaar gashay.

Magdhawgaan oo ay bixisay shirkad soo saarta dawooyinka la isku qurxiyo ayaa timid ka dib markii shaambo ardayadaani ka soo iibsatay farmashi ay sababtay in tinta ka go go'do ugu dambeyntii keentay in bidaar ay gasho.

Tamadir Muxsin Alfahid ayaa sheegtay in maalmo ka dib markii bidaartu si rasmi ah u gashay ay ka war heshay warbixin shirkada ka soo baxday oo sheegeysay in qalad ku jiro habka loo soo saaray shambada uuna jiro qalad ku yimid hab is saarka kiimakada.

Waxa ay intaa raacisay in xariir ay la sameysay maamulka ayna ka codsadeen in maxkamada la fuulin shirkada magdhawgaasna qaadato.

Qareen ay qabstay ayaa ku qancinayay in ay maxkamada la aado si lacag intaas ka badan u hesho.

Balse qoyskeeda ayaa ku adkeeyay in ay talaabadaasi qaadin.

Inkastoo quruxdii timaheygu iloobi karin hadana waan isaga qancay magdhawgaan.

Cismaan Xasan Cali(Fantastic)
ossmanfantastic@hotmail.com

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.


    La Xiriir

Ku Laabo Bogga Hore

Wararkii Hore


SUBACA Qur`anka (114)
(KA QEYB QAADO: - Riix halkan)
Contact webmaster
Copyright © 2007 calanka.com
Qof [Ku laabo Kor] [Nala Soo Xiriir] [Heesaha] [Somali Video]